Shirka madaxweynaha iyo xisbiyada siyaasadda oo si rasmi ah u furmay maanta

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goor dhow si rasmi ah u furmay shir u dhexeeya Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) iyo hoggaanka xisbiyada siyaasadda, gaar ahaan kuwa sida KMG ah u diiwaan-gashan.

Agaasimaha warfaafinta Madaxtooyada Qaranka, Cabdinuur Maxamed Axmed oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa xaqiijiyey inuu furmay shirkaasi.

“Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa haatan kulan kula qaadanaya Villa Soomaaliya qaar ka mid ah Xisbiyada Siyaasadeed ee Kumeel Gaarka ah ee ka diiwaangashan Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka.” ayuu yiri Cabdinuur.

Sidoo kale agaasimaha ayaa sheegay in shirkan oo ah mid wadatashi ah looga arrinsanayo doorasho qof iyo cod ah oo 2020-21-ka ka dhacda magaalada Muqdisho.

“Kulamadan ayaa looga gol leeyahay in Madaxweynuhu uu wada-tashiyo ballaaran la qaato saamileyda siyaasadeed ee Soomaaliya, lagana wada hadlo sidii doorasho qof iyo cod ah oo waqtigeeda ku qabsoonta looga hirgelin lahaa dalka.” ayuu markale yiri agaasimuhu.

Cabdinuur ma shaacin magacyada iyo tirada xisbiyada madasha fadhiya ee ka qeyb galaya shirkaasi oo ay soo qaban qaabisay Villa Soomaaliya.

Shirka ayaa daba socda midkii AY dhowaan Madaxweyne Farmaajo la qaateen Madaxweynayaashii hore, Sheekh Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud.