Dowladda UK oo aad uga hor-timid tallaabooyinkii uu qaaday MUUSE BIIXI

Hargeysa (Caasimada Online) ―  Dowlada Ingiriiska ayaa markii u horeysay ka hadashay xiisada maalmihii u dambeeyay ka dhex aloosneyd xisbiga mucaaridka ah ee Waddani iyo Xukuumada Muuse Biixi.

UK ayaa walaac weyn ka muujisay xarigii lagula kacay qaar kamid ah Mas’uuliyiinta ugu sareysa xisbiga Waddani, kuwaasi oo ay kamid ahaayeen Afhayeenka Guud ee Xisbiga, Barkhad Jaamac Batuun iyo Khadar Xusseen Cabdi, oo ah xoghayaha xisbiga Waddani oo ciidamada boolisku ay u wareejiyeen xabsiga Maandheera.

Waxayna sidoo kale ku baaqday dowladda Ingiriisku in dib loo bilaabo wada-hadaladdii xisbiyada iyo Xukuumada ee ku aadana qabsoomida doorashooyinka Baarlamaanka iyo Deegaanka, si ay uga dhabeeyan balan qaadkoodii hore.

Mr. Stuart Brown, Madaxa xafiiska dowladda UK ee magaalada Hargeysa oo arrimahaasi kaga hadlay qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka, ayuu ku sheegay in loo baahan yahay in waqtigooda ku qabsooman doorashooyinka Somaliland.

“Ingiriisku wuxuu si wayn uga walaacsan yahay xadhiga sii socda ee loo gaysanayo siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Somaliland. Waxaanu ugu baaqnay dawladda inay ama soo eedayso ama xorriyadooda si dhaqso ah ugu soo celiso” ayuu yiri Struat Brown.

Wuxuuna intaas kusii daray “Waxaanu ku dhiirigelinaynaa dhammaan xisbiyada oo dhan inay dib u cusboonaysiiyaan wada-hadalka oo ay ilaaliyaan ballan qaadkoodii ahaa in doorashooyinka baarlamaanka iyo deegaanada loo qabto si aan dib u dhac lahayn”.