Xog: Sheekh Soomow oo diiday codsi uu usoo diray madaxweyne FARMAAJO

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida illo wareedyo lagu kalsoonaan karo u xaqiijiyeen Shabakadda Caasimadda Online, Sheekh Soomow ayaa ka hor yimid dalab uga yimid Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la xiriira muxaadarada uu Sheekh Umal doonayo inuu ku qabto Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Xalay saq dhexe u diray Sheekh Soomow mas’uuliyiin ay isku beel yihiin oo ay hoggaaminayeen Wasiirka Amniga Islow iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Finish.

Xubnaha u tagay Sheekh Soomow ayaa u sheegay inuu soo diray Madaxweyne Farmaajo,  isla markaasna laga rabo inuu ogolaado muxaadarada uu Muqdisho Berri ku qabanayo Sheekh Umul oo lagu eedeeyey inuu u gafay Nabiga naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee, eedeyntaas oo Umal uu beeniyey.

Xubnahaan ayaa u sheegay inuu madaxweynaha usoo dhiibay codsi ah inuu mar kale shir jaraa’id qabto uuna dadka u sheego inay ka qeyb-galaan muxaadarada Umal lana xaliyey khilaafkii taagnaa.

Sheekh Soomow ayaa madaxdii loo diray u sheegay inay arrintaan tahay mid ku saabsan caqiido, sidaas darteed ay aqbali karaan kaliya marka uu Umal ka laabto “gafkii uu ka galay Nabiga CSW” sida uu Soomow qabo.

Sidoo kale Sheekh Soomow ayaa xubnahaas u sheegay inay arrintaan hadda isaga ka weyn tahay ayna gaartay dhammaan culimada Suufida, sidaasna darteed uusan isaga waxba ka qaban karin.

Kulanka ayaa ugu dambeyn kusoo dhamaaday guuldaro, waxaana laga cabsi qabaa in Berri ay Culimada Suufida qalalaaso ka sameeyaan garoonka Eng. Yariisow oo uu Umal muxaadarada ku qabanayo.

Culimada suufida ayaa wacad u maray inay hor-istaagi doonaan muxaadaradan ayaga oo qorsheeyey dibad-baxyo ballaaraan oo ka dhacaya garoonka Injineer Yariisow. Waxaa sidoo kale xog lagu hayaa inay taageerayaal badan ay ka dhaadhiciyeen inay gudaha u galaan garoonka, kana hortagaan muxaadarada.

Xiisadda u dhaxeyso Suufiyada iyo Umal ayaa gaartay meel sare, waxaana jiro baaqyo badan oo lagu dalbanayo in la baajiyo muxaadaradaas si aysan dhibaato uga dhalan.

Sheekh Soomow ayaa laba maalin ka hor sheegay inuusan Umal muxaadaro ku qaban karin Muqdisho maadaama uu sheegay in isaga sababtiisa ay qabri ugu jiraan dad badan oo Soomaaliyeed iyo Culumo ka tirsan Suufida.