DF oo ku dhowaaqday in gebi ahaan la joojiyey muxaadaradii Sheekh Umal

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday in gebi ahaanba la baajiyey muxaadaro uu Sheekh Maxamed Cabdi ku qaban lahaa ee magaalada Muqdisho.

Wasaaradda ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in Sheekh Umal “uu soo jeediyey asagoo tixgalinaya duruufaha ku xeeran muxaadarada in la baajiyo, Wasaaraddana wey ku waafaqday soo jeedintaas.”

Wasaaradda ayaa sheegtay “inay ayaan darro tahay in tashwiish lagu furay qabashada Muxaadarada Sheekha oo cinwaankeedu ahaa “Asbaabaha Keena Musiibooyinka & sida looga hortgo.”

Wasaaradda Awqaafta ayaa sheegtay inay diyaar u tahay in ay Sheekha Maxmed Umal ay ku martiqaadi doonto barnaamijyo wacyigalineed xilliga ku haboon, Isla markaana ay diyaar u tahay soo dhaweynta dhammaan culumada Soomaaliyeed ee diyaarka u ah wacyigalinta bulshada Soomaliyeed oo xilligan baahi weyn loo qabo.

Baaqashada muxaadarada ayaa timid kadib markii ay si aad ah uga horyimaadeen culimada Ahlu-Sunna Waljamaaca oo Sheekh Umal ku eedeeyey “inuu aflgaadeeyey nebiga NNKH”, eedeyntaas oo Umal uu beeniyey.

Culimada suufida ayaa wacad u maray inay hor-istaagi doonaan muxaadaradan ayaga oo qorsheeyey dibad-baxyo ballaaraan oo ka dhacaya garoonka Injineer Yariisow. Waxaa sidoo kale xog lagu hayaa inay taageerayaal badan ay ka dhaadhiciyeen inay gudaha u galaan garoonka, kana hortagaan muxaadarada.

Cabsida ugu weyn ayaa ahayd in garoonka Injineer Yariisow ay ka dhacaan rabashado u dhaxeeya taageerayaasha Suufida iyo kuwa Umal, taasi oo sababi karta dhimasho iyo dhaawac, waxaana la rumeysan yahay in taas darteed loo baajiyey muxaadarada.

Hoos ka aqriso qoraalka Wasaaradda