James Swan oo Somalia iyo Somaliland ugu baaqay in ay hal mid usoo jeestaan

Hargeysa (Caasimada Online) ― Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan oo khamiistii Khudbad ka jeedinayey golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ka hadlay wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland.

James Swan ayaa sidoo kale waxa uu khudbadaasi kaga hadlay doorashooyinka uu Madaxweyne Biixi u dalbaday muddo kordhina, isagoona xusay in Muqdisho iyo Hargeysa ay waajib tahay inay xooga saaran oo u soo jeestaan baahiyaha shacabkooda.

Swan ayaa labada dhinac ugu baaqay inay ka wada shaqayeen, isla markaana ay si dhow ula socdaan dadaalada lagu rabo in miiska wada-hadalka la iskugu keeno markale, inkasta oo hore u fashilmeen dadaalo badan oo ku aadana dib u furida wada-hadaladaasi.

James ayaa waxa kale oo uu ka dhawaajiyay in waqti xaadirkan ay muhiim tahay, oo loo baahanyahay in xukuumada Muuse Biixi ay ixtiraamto xorriyatul qowlka iyo xuquuqda Aadanaha.

“Hargeysa iyo Muqdisho waa inay u soo jeedsadaan baahiyaha Shacabkooda oo ay xoogga saaraan, waana inay dhegaha u furaan Dedaallo cusub oo lagu dhiiri-gelinayo Wada-hadal” ayuu yiri James Swan.

Wuxuuna intaas kusii daray Amb Swan “Iyadoo la filayo in Doorashooyinka Baarlamaanka Somaliland la qabto sannadka 2020-ka, Hargeysa waxa looga baahan yahay oo muhiim ah in la ixtiraamo xorriyatul-qawlka iyo xuquuqda Aadamaha”.