Ducaale oo ogolaaday hor-tagista barlamanka kadib markii loogu digay twitter

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa ogolaaday inuu hortago baarlmanka Soomaaliya kadib markii uu diidanaa muddo 10 maalmood ah.

Aqbalaadda wasiirka ee kulanka, oo lagu wado inuu dhaco berri, ayaa timid saacaddii ugu dambeysay kadib markii ay qaar ka mid ah xildhibaanada u yeeray ay barta twitter-ka ku shaaciyeen diidmadiisa, uguna hanjabeen inay tallaabo ka qaadayaan.

Wasiir Ducaale oo qoraal loogu yeerayo loo diray 14-kii bishan ayaa xitaa diidanaa inuu kasoo jawaabo, ayada oo isku dayo badan oo ay la sameeyeen xildhibaanada uu dhegaha ka furaystay.

Hase yeeshee, xildhibaan Cabdifataax Ismaaciil Daahir ayaa maanta twitter-ka soo dhigay qoraal uu ku yiri “Wasiirka amniga waxaa laga filayey inuu baarlamanka hor-yimaado berri, hase yeeshee wuu diiday inuu xaqiijiyo ka qeyb-galkiisa. Maadaama aan mas’uul ka ahay mooshinka, waxaan tani u aragnaa inuu u hoggaansami waayey xeerarka baarlamanka, sidaas darteed waxaa loo gudbin doonaa guddoomiyaha si tallaabo looga qaado.”

Wasiir Ducaale ayaa daqiiqado un kadib qoraalka u diray xoghaynta baarlamanka, kuna wargeliyey inuu berri hor-iman doono baarlamanka, sida uu ku cad qoraal ay xoghaynta soo dirtay.

Wasiirka ayaa la filayaa in su’aalo laga weydiiyo dhibaatada ay shacabka ku qabaan helista baasaboorka dalka.