Sheekh Soomow oo war cusub soo saaray kadib markii la joojiyey muxaadaradii Umal + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Cabdulqaadir Sheekh Maxamed Sheekh Abuukar (Sheekh Soomow) oo caawa u waramay TV-ga Dalsan ayaa ka hadlay banaanbixii Axadda berrito ay iclaamiyeen culumada dariiqada Suufida ee ka dhanka ahaa muxaadarada la joojiyey ee Sheekh Umal.

Sheekh Soomow ayaa sheegay in la baajiyay banaan-baxaas, isla markaana ay dowladda uga mahad celinayaan joojinta muxaadaradii Sheekh Maxamed Cabdi Umal uu ku qaban lahaa magaalada Muqdisho.

Sheekh Soomow ayaa ugu baaqay culumada Suufida inaysan barri jirin wax isku soo baxa, maadaama la baajiyay muxaadaradii ay diidanaayeen, sidaas darteedna ay iska aadaan masaajidda iyo dugsiyada.

“Barito sidaa ogtihiinba Ahlu-Sunna Waljamaaca waxay ku balansaneed inay dhigaan banaanbax aad u weyn sidaa darteed caawa waxaan u sheegayaa inay joojiyaan banaanbaxaas, in mowlacyadooda ay joogaan, masaajiddooda joogaan, howlahooda u gaarka ah ay qabsadaan, dowladana waxaan ka rabnaa balanta ay qaaday inay fuliso inaysan berri dhicin muxaadaradaas” ayuu yiri Sheekh Soomow.

Isagoo sii hadlayay ayuu yiri, “Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa inaan ilaalino amniga, dowladnimada, inaan wada ilaashano caqiidadeena, dowladdu waa inay ilaalisaa diinta iyo rabitaanka dadka fikirka takfiiriga ah dadka yaan lagu dhiira galinin”.

Halkaan ka daawo