Golaha wakiilada Somaliland oo WAQTIGA loo kordhiyey

Hargeysa (Caasimada Online) – Golaha Guurtida ee Somaliland ayaa muddo kordhin cusub u sameeyey baarlamaanka maamulkaasi, kadib kulan ay saaka ku yeesheen gudaha magaalada Hargeysa ee waqooyi galbeed Soomaaliya.

Illaa 70 Mudane oo ka mid ah xubnaha Golaha Guurtida ayaa u codeeyey in muddo labo Sano ah loogu daro Golaha Wakiilada, taas oo noqoneysa muddo kordhintoodii lixaad.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray Golaha Guurtidu iyaguna ay kororsadeen muddo saddex sano ah oo ay sii shaqeyn doonaan golahaasi.

Labada Gole ee Guurtida iyo Wakiillada ee Somaliland ayaan wax doorasho ah gelin muddo ku dhow 15 Sano, waxaana mar walba ay sameysanayeen muddo kororsi.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo haatan xiisad siyaasadeed oo u dhexeysa xukuumadda Muuse Biixi iyo hoggaanka xisbiga Wadani ay ka taagan tahay deegaanada  Somaliland, taas oo sababtay rabshado ka dhacay gudaha magaalooyinka maamulkaasi.

Xaaladda Somaliland ayaa hadda laga deyrinayaa, iyadoo Khamiistii ergeyga QM ee Soomaaliya, James Swan uu ka digay in dib loo dhigo doorashada maamulkaasi.