Sawirro: Kulan looga hadlay xaaladda Galmudug oo lagu qabtay Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddiga farsamada ee maamul u dhisida Galmudug ee ay ku dhawaaqday dowladda dhexe ayaa weli kulamo ka wada deegaanada maamulkaasi, gaar ahaan degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Xubnaha guddiga ayaa xalay kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada, kaas oo looga hadlay xaaladda Galmudug, gaar ahaan arrimaha doorashada ee maamulkaasi.

Sidoo kale intii uu socday kulanka  ayaa waxaa looga arrinsaday sidii loo ilaalin lahaa qoonada haweenka baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka Galmudug.

Guddiga farsamada oo muddo ku sugan Dhuusamareeb ayaa wada dadaallo xoogan oo loogu jiro, sidii loo dhisi lahaa Galmudug oo loo dhan yahay.

Xaaladda ayaa weli cakiran, iyadoona aan xal rasmi ah laga gaarin khilaafka jira, si loo guda galo dhismaha wejiga labaad ee Galmudug.