Muddo kordhintii maanta ee G/Wakiilada Somaliland oo si adag looga horyimid

Hargeysa (Caasimada Online) ― Madasha Wada-tashiga Somaliland, ayaa maanta si adag uga hadashay muddo kordhintii ay Golaha Guurtidu u sameeyen maanta Golaha Wakiilada Somaliland.

Siyaasiyiinta ku bahoobay Madasha Wada-tashiga oo si wada-jir ah warbaahinta ula hadlay, ayaa si adag uga hor-yimid muddo kordhintaasi maanta loo sameeyay Golaha Wakiilada Somaliland.

Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta fadhi ay yeeshen waxay markii lixaad muddo kordhin 2-sano ah u sameeyen Golaha wakiilada Somaliland, halka Golaha Guurtiduna ay laftigooda isku kordhiyeen muddo 3-sano ah.

Siyaasiyiinta Madasha ayaa mudo kordhintaasi ku tilmaamay mid qalad ah oo ay xukuumada Biixi iyo baarlamaanku ay isku afgarteen oo heshiis ku yihiin.

Siyaasiyiintan ayaa sidoo kale waxa ay si cad u sheegen in Madaxweyne Muuse Biixi uu diiday dhex-dhexaadinta ay ka dhex bilaabeen maalmihii la soo dhaafay xisbiga Wadani, oo Biixi si weyn iskula khilaafsanayeen xubnaha cusub ee komishanka doorashooyinka.

Maxamed Xaashi Cilmi, oo kamid ah Siyaasiyiinta Madasha, ayaa ugu horeyntii isagoo la hadlaya warbaahinta waxa uu yiri “Xisbiyadii ma shaqaynayaan oo wixii ay ku khaldamaan Golihii Baarlamaanku kama hadlayo, xukuumadiina waxaad moodaa inay isku afgarteen oo ay ku heshiis yihiin mudda kordhintan labada gole”.

“Guurtida malaha todoba xubnood ayaa ka noolayd markii iigu dambaysay kuwii la soo magacaabay, waxa laga dhigay in caruurtoodii ay dhaxasho, sharci ay sidaasi ku qorantahayna ma jirto”

Wuxuuna intaas kusii daray “Waxaan leeyahay Golihii Wakiilada mudo xileedkooda waxay ka dhamaatay 2010-kii mudadii loo dhaariyey xilka ee shanta sanadood ahayd, kolkaa ilaa wakhtigaasi waxay ku fadhiyaan sharci daro”.

Xasan Guure oo isaguna ka mid ah Siyaasiyiinta ku midoobey Madasha Wada-tashiga, ayaa waxa uu yiri “Waa qalad in la kordhiyo oo laba sanadood loogu daro, markaa Golihii Wakiiladu way 20-jirsanayaan, waliba waxaynaan hubin hadii labadan loogu daro inay doorashadu qabsoomayso”.