Xisbiga Wadajir oo shuruud ku xiray ka qeyb galka shirka FARMAAJO iyo xisbiyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga mucaaradka ee Wadajir ee uu hoggaamiyo, Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qaadacay shirka Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo xisbiyada dalka, kaas oo lagu wado in maanta uu ka ka dhoco magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

War ka soo baxay xisbiga ayaa lagu sheegay inaysan ka qeyb geli doonin shirkaasi oo ay soo qaban qaabisay madaxtooyada, wuxuuna xisbigu ku tilmaamay mid maa-weelin ah.

Sidoo kale xisbiga ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu door ka qaado kulamada looga arrinsanayo hannaanka doorashooyinka 2020-ka, hadddii ay cadaato in Madaxwayne Farmaajo uu daacad ka yahay wadatashiga la xariira doorashooyinkaaasi.

“Xisbiga Wadajir wuxuu diyaar yahay in uu ka qeyb qaato kulamada looga arrinsanayo hannaanka doorashooyinka 2020, haddii ay cadaato in Madaxwayne Farmaajo uu daacad ka yahay wadatashiga la xariira doorashooyinka 2020-ka, wuxuuna Xisbigu dhab u qaadanayaa wada tashiyada, Marka uu Madaxweynuhu si cad shacabka Soomaaliyeed ugu cadeeyo una balanqaado in uu san hal maalin ku darsan doonin muddo xileedkiisa”ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray xisbiga mucaaradka ee Wadajir

Hoggaanka xisbiga Wadajir ayaa sidoo kale shuruud ku xiray ka qeyb galka shirkan, taas oo ah in dowladdu ay magdhow ka bixiso weerarkii khasaaraha dhaliyey ee 17 December 2017-kii lagu qaaday guriga C/raxmaan Cabdishakiir ee magaalada Muqdisho.

“Waa in cudurdaar iyo magdhaw ka bixiso dowladdu dhibkii ay Xisbiga Wadajir u geystay haddii uu Madaxweynuhu cadeeyo mowqifkaas ayuu Xisbigu diyaar u yahay in la xaajoodo dowlada”ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Saacadaha soo socda ee maanta ayaa la filayaa in shirka uu ka dhaco xarunta madaxtooyada, waxaana ka qeyb galaya illaa 57 xisbi oo warbixin ka dhageysan doono madaxweynaha, sida ay noo xaqiijiyeen xubno sare oo ka tirsan Villa Soomaaliya.

Waxyaabaha laga hadli doono ayaa waxaa ugu horreeyo doorashooyinka Soomaaliya ee dhamaadka sanadka 2020-ka iyo nuuca doorasho ee dalka ka dhici doonto markii xiligaasi la gaaro, taasi oo aragti la iska weydaarsan doono.

“Waxaa na balamiyay madaxweynaha Soomaaliya maalinta sabtida ah, ajandaha wali noolama soo gudbin balse waa uun kulankii ugu horeeyay oo looga hadlayo doorashooyinka Soomaaliya” ayuu yiri mid ka mid ah guddoomiyaasha xisbiyada dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhowaan Muqdisho ku qaabilay madasha xisbiyada oo ay kala hogaamiyaan Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Axmed.