Jahwareer ka taagan Ankara kadib tallaabo uu qaaday madaxweyne ERDOGAN

Ankara (Caasimada Online) – Xisbiga mucaaradka ee dalka Turkiga ayaa xarigga duqa magaalada Istanbul, Ekrem Imamoğlu, ku tilmaamay mid u dhigma afgambi siyaasadeed.

Imamoğlu, oo ah mid ka mid ah siyaasiyiinta sida adag uga soo horjeeda madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, ayaa wajahaya eedeymo ay ka mid yihiin musuq-maasuq. Eedeymahan waxaa lala xiriiriyay tobanaan qof oo kale oo ka tirsan mucaaradka.

Xarigiisa ayaa sababay caro weyn, iyadoo kumannaan qof oo ku nool Istanbul ay dhigeen bannaanbaxyo ka dhan ah tallaabadan.

Dowladdu waxay muddo afar maalmood ah mamnuucday mudaaharaadyada, halka booliska ay adeegsadeen sunta dadka ka ilmeysiisa si ay u kala eryaan dadkii isugu soo baxay magaalada Ankara.

Imamoğlu ayaa bartiisa bulshada ku qoray in aan la aamusiin karin rabitaanka shacabka. Wuxuu sidoo kale fiidiyow uu soo dhigay internet-ka ku ballanqaaday inuu garab taagan yahay dadka Turkiga iyo cid kasta oo u taagan dimuqraadiyada iyo cadaaladda.

“Waxaan ka go’an in aan u dagaallamo xuquuqda aasaasiga ah iyo xorriyadda,” ayuu yiri.

Xarigiisa wuxuu kusoo beegmay xilli dowladdu ay bilooyinkii la soo dhaafay wadday howlgallo ay ku beegsanayso mucaaradka.

Waa kuma Ekrem Imamoğlu, muxuuse salka ku hayaa xarigiisu?

Imamoğlu ayaa laba jeer loo doortay duqa magaalada Istanbul, isagoo xisbiga CHP uga adkaaday xisbiga talada haya ee Erdogan.

Doorashadii ugu dambeysay ee uu ku guuleystay waxay ahayd mid taariikhi ah, maadaama ay ahayd markii ugu horreysay tan iyo markii Erdogan xukunka yimid ee xisbigiisa laga adkaado magaalooyinka waaweyn sida Istanbul iyo Ankara.

Musuq-maasuq ayaa lagu eedeeyay xilli uu dhowaan u sharaxnaa musharraxa madaxweynaha ee xisbiga CHP. Dacwad-oogayaashu waxay sheegeen in looga shakisan yahay inuu xiriir la leeyahay urur dambiile.

Booliska ayaa xoog ku galay gurigiisa, taasoo qeyb ka ah cadaadiska sii kordhaya ee lagu hayo mucaaradka.

Xulista musharraxa madaxweynaha ee CHP, oo Imamoğlu ka mid yahay, ayaa la filayaa inay dhacdo Axadda soo socota.

Tani ma ahan markii ugu horreysay ee uu la kulmo caqabado sharci. Sanadkii 2022, waxaa lagu xukumay labo sano iyo bar, ka dib markii lagu helay danbi la xiriira aflagaaddo uu kula kacay mas’uuliyiin dowladda ka tirsan.