Diblomaasi Itoobiyaan ah oo yimid Hargeysa + Ujeedka

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxa magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland soo gaaray diblomaasi kasocda dowladda Itoobiya, kadib markii uu dhawaan soo if baxay xiriirka sii xumaanaya ee labada dhinac.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Diblomaasigaasi ayaa noqonaya wakiilka cusub Dowladda Itoobiya ee Somaliland, wuxuuna imanaya muddo badan kadib markii ay wakiilkeedii hore uga yeertay Hargeysa.

Wakiilka cusub ee Itoobiya, Amb. Siciid Maxamed Jibriil oo kasoo kicitimaya Addis-Ababa ayaa waxa madaarka Hargeysa ee Cigaal kusoo dhaweeyay xubno ka tirsan Wasaaraddda arrimaha dibedda Somaliland.

Amb. Siciid Jibriil ayaa dar-dar gelin doona howlaha shaqo ee xafiiska Itoobiya ee Hargeysa, oo muddooyinkii dambe haawanayey, kadib markii uu meesha ka baxay wakiil hore ee Itoobiya.

Magacaabista Wakiilkan cusub ayaa imaneysa xili uu wafdi ka socda Itoobiya uu yimid Somaliland, kadib markii ay xiriir cusub la sameysatay Masar oo ay si weyn isku hayaan dowladda Itoobiya.

Dowladda Itoobiya ayaa u muuqata mid dib usoo nooleynaysa xiriirkii diblumaasiyadeed ee kala dhaxeeyay Somaliland oo muddooyinkii dambe mugdi badan galay, maadama ay walaac xoogan ka qabto in xukuumada Biixi ay garabka saarto Masar, oo kala dhaxeyso xiisada webiga Nile-ka buluuga ah.