Afar nooc DOORASHO oo lasoo saaray miiska shirka Dhuusamareeb 3 iyo midda uu rabo madaxweynaha

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Shirka Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug uga furmay madaxda Maamul Goboleedyada iyo Dowladda Dhexe  oo ay ka maqan yihiin Jubbaland iyo Puntland ayaa waxaa lasoo hordhigay illaa 4 nooc doorasho oo kala duwan.

Noocyadaan doorashada ayaa waxaa shirka hor keenay Guddiga Farsamada Shirka Dhuusamareeb 3 ee ka baaraandegga nooca Doorasho ee dalka ka dhaceysa.

Guddiga ayaa noocyadaan u gudbiyey madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Hirshabelle, K/Galbeed, Galmudug iyo guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyadoo ay shirka qaadaceen Axmed Madoobe iyo Saciid Deni.

Noocyada doorasho ee guddiga soo bandhigeen ayaa waxay kala yihiin

  1. Doorasho dadban oo la kordhiyey tirada codbixiyeyaasha, lagana dhigo 101,-1000, taasoo ergada ay isla soo xulayaan odayaasha, iyo bulshada rayidka, wadajirka loo doornayao xildhibaannada oo dhici karta kahor February 2021-ka.
  2. Doorasho isugu jirta toos (Qof iyo Cod) iyo mid dadban oo degaanada qaar ka dhaceysa, qaar kalena loo qabanayo, waxaana codeynaya dad ka badan Hal Milyan oo lagu qaban karo ilaa July 2021.
  3. Qof iyo cod (Biometric), oo ay codeeyaan ka badan 3 milyan qof, oo qaadaneysa 13 bil – Talo soo jeedintii Guddiga Doorashooyinka-.
  4. Qof iyo cod oo Is-diiwaangelinta iyo codeynta isla maalinta dhaceysa 3 ilaa 4 milyan oo qaadaneysa 9-12 bilood.

Sida wararka naga soo gaarayo Dhuusamareeb sheegayaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku dhagan nooca labaad ee ah Doorasho isugu jirta toos (Qof iyo Cod) iyo mid dadban oo degaanada qaar ka dhaceysa, qaar kalena loo qabanayo taasoo la sheegay inay coddeyn doonaan Hal Milyan oo lagu qaban karo ilaa July 2021.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kala dilay madaxda Maamul Goboleedyada, waxaana hadda muuqato inuu taageero xoog leh ka heysto Madaxweynayaasha Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo marti gelineyso shirka.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa ka qeybgalkooda shirka shuruud uga dhigay in marka hore uu Madaxweyne Farmaajo magacaabo Ra’isulwasaare fuliyo waxyaabaha kasoo baxo shirka, iyo in Beesha Caalamka ay marqaati ka noqoto Shirka iyagoo madaxweynaha ku eedeeyey inuu heshiisyo hore ka baxay.