Xog: Fiqi iyo Saabir oo qarka u saaran is-casilaad kadib markii QOOR QOOR ‘uu isku dhiibay’ madaxweynaha

Muqdisho (Caasimada Online) – Laba ka mid ah wasiirada ugu miisaanka culus maamulka Galmudug ayaa qarka u saaran inay is-casilaan, ayaga oo ka carreysan in madaxweyne maamulka Axmed Cabdi kaariye Qoor Qoor uu “isu dhiibay” madaxweyne Farmaajo.

Qoor Qoor ayaa xalay sameeyey arrin lama filaan ah kadib markii uu furay shirka Dhuusamareeb 3 oo ay ka maqan yihiin madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland, waxaana maanta soo baxay in sidoo kale uu madaxweyne Farmaajo ka ogolaaday muddo kororsi.

Sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, wasiirka amniga Galmudug xildhibaan Axmed Macallin Fiqi iyo wasiirka dekadaha iyo kalluumeysiga xildhibaan Saabir Shuuriye ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay tallaabada uu qaaday Qoor Qoor.

Saabir iyo Fiqi, oo ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliya ee sida weyn u macaaradsan dowladda Farmaajo ayaa sida aan xogta ku helnay u sheegay Qoor Qoor inuu ka baxay ballantii ay wada-galeen markii ay ku biireen maamulkiisa, taasi oo ahayd in Galmudug noqoto dhex-dhexaad.

“Wixii Qoor Qoor uu sameeyey lama filaan ayey noqotay, marna lagama fileyn hoggaan sidan u liita iyo inuu sidan fudud ku aqbali karo muddo kororsi Soomaaliya ku hoggaamin karta dagaal sokeeye,” waxaa sidaa yiri ilo-wareed ku dhow labada xildhibaan oo la hadlay Caasimada Online.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Fiqi iyo Saabir ay rumeysan yihiin in Qoor Qoor uu saacado gudahood dhulka ku tuuray sumcaddii iyo sharaftii ay Galmudug wax ka yar bil ka hor ku heshay isku keenidda dhinacyada kala duwan ee Soomaaliya, ee muujisay inay noqon karta midda dalka bad-baadisa.

“Toddobaadyo kahor waxa uu Qoor Qoor ahaa madaxweyne goboleed Soomaaliya oo dhan amaaneysa, maantana wuxuu noqday qof ku jira gacanta madaxweyne Farmaajo, sidaas marnaba lagama fileyn,” ayuu yiri qof xog-ogaal u ah xiisadda taagan oo la hadlay Caasimada Online.

Xogta aan helnay ayaa sidoo kale sheegeysa in Saabir iyo Fiqi ay rumeysnaayeen in Qoor Qoor uu ahaa awoodda kaliya ee muuqata ee beesha Hawiye ku mataleysay loolanka siyaasadeed ee dalka ka socda, balse uu taas meesha ka saaray.

“Xasan Cali Kheyre waa la cayriyey, Cumar Filish waa nin Farmaajo soo magacowday oo aan lahayn awood uu wax ku diido. Waare markii horeba Farmaajo ayaa watay. Hawiye oo dhan waxay eeganayeen Qoor Qoor, balse awooddiisa isagaa iska tuuray,” ayuu yiri ilo-wareedka aan la hadalnay.

Arrinta layaabka leh ayaa sidoo kale ah in Qoor Qoor uu muddo kororsiga ogolaaday ayada oo aanay jirin wax muuqda oo uu ku bedeshay.

“Waxba kama jiraan in jago ra’iisul wasaare lagula heshiiyey. Waxaa jirta in Farmaajo doonayo in kurisgan oo uu Hawiye leeyahay uu usii hayo Mahdi Guuleed, oo wixii uu doono ugu sameeyo, mana muuqato in ra’iisul wasaare Hawiye ah lasoo magacaabi doono,” ayuu yiri il-wareed la hadlay Caasimada Online.

Wararka ayaa sheegaya in hadda ay socdaan wada-hadallo u dhaxeeya Qoor Qoor iyo Saabir iyo Fiqi, ayada oo la isku dayayo in la saxo qaladkii uu Qoor Qoor sameeyey, lagana soo saaro “xeendaabka” madaxweyne Farmaajo.

Labada xildhibaan ayaa sida aan ogaanay dalbanaya in Qoor Qoor ka laabto mowqifkiisii hore, islamarkaana uu saxo qaladkii uu gelay.

Waxyaabaha la doonayo in Qoor Qoor uu sameeyo, ayaa waxaa ka mid ah in la joojiyo in shirka Dhuusamareeb 3 laga soo saaro go’aan diyaarsan oo la rumeysan yahay in muddo kororsi lagu siinayo madaxweynaha.

Waxaa sidoo kale lasoo jeediyey in Qoor Qoor aado Garoowe iyo Kismaayo islamarkaana uu lasoo hadlo Saciid Deni iyo Axmed Madoobe kuna qanciyo inay shirka yimaadaan.

Haddii Qoor Qoor uu diido inuu sidaas sameeyo ayaa waxaa la filayaa in labada xildhibaan iska casilaan golaha wasiirada Galmudug, maadaama aysan diyaar u ahayn inay qeyb kasii ahaadaan maamul “hoos tagaya” madaxweyne Farmaajo.