Ciidamo gadoodsan oo xiray madaxweynaha iyo ra’iisul wasaraaha dalka MALI

Bamako (Caasimada Online) – Ciidamo gadoodsan ayaa xiray madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha dalka Mali Ibrahim Boubacar Keita (Sawirka bidix) iyo Boubou Cisse, sida uu sheegay mid ka mid ragga hoggaaminaya askarta.

“Waxaan kuu sheegi karnaa in madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ay ku jiraan gacanteena,” ayuu hoggaamiyaha ciidankan u sheegay wakaaladda wararka AFP, isaga oo codsaday inaan magaciisa la shaacin.

Waxa uu intaas ku daray in labada mas’uul “lagu xabisay” guriga Keita oo ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Bamako.

Ciidamada ayaa goor sii horreysay waxay gadoodka ka ka billaabeen magaalada Kati oo ku dhow caasimadda Bamako.

Sarkaal kale oo militari, oo diiday in la magacaabo, ayaa sheegay in madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha lagu qaatay babauurta gaashaamaan, ayna kusii jeedaan magaalada Kati.

Ururka Midowga Afrika ayaa durba cambaareeyey xariga hoggaamiyayaasha Mali.

“Waxaan si xooggan u cambaareynayaa xariga madaxweyne Ibrahim Boubacar Keita iyo ra’iisul wasaare Boubou Cisse iyo mas’uuliyiinta kale ee dowladda Mali, waxaana ku baaqayaa in deg deg loo sii daayo,” waxaa sidaas qoraal uu twitter soo dhigay ku yiri guddoomiyaha Midowga Afrika Faki Mahamat.

Madaxweyne Keita ayaa tan iyo bishii June wajahayey dibad-baxyo xooggan oo lagu dalbanayey inuu is-casilo ayada oo lagu tuhmayo musuq-maasuq iyo amniga dalka oo sii xumaanaya.