Wariye iyo dad kale oo loo soo qabtay dilka wasiirkii Beeraha HirShabelle

Jowhar (Caasimada Online) – Faah faahinoo dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gallo ciidamada ammaanka ay ka sameeyeen Jowhar, kadib dilkii magaaladaasi loogu geystay wasiirkii beeraha iyo waraabka HirShabelle, Marxuum C/qaadir Abuukar Karaani.

Ciidamada ayaa lagu soo warramayaa inay gacanta ku soo dhigeen tiro dad ah oo lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen toogashada lagu dilay wasiirkaasi oo sidoo kale ka tirsanaa baarlamaanka dowlada goboleedka HirShabelle, tan iyo markii la aas-aasay ee 2016-kii.

Wararka ayaa sheegaya in dadka la soo qabtay uu ku jiro, Wariye Maxamed Deeq Alfa oo ah wakiil wareedka Dalsan TV ee gobolka Shabeelaha Dhexe, gaar ahaan Jowhar.

Saraakiisha ayaa sheegaya in haatan baaritaano ay ku socdaan Wariyaha iyo dadka kale ee loo qqabtay dilkii loo geystay Allaha u naxariistee wasiirkii beeraha maamulka HirShabelle.

Sidoo kale waxay saraakiishu intaasi ku dareen in marka ay soo gaba-gabeeyaan baaritaankooda ay faah faahin ka bixin doonan howl-gallada ay sameeyeen.

Howl-galladan ayaa daba socda, kadib markii uu amar ku bixiyey Madaxweynaha HirShabelle in gacanta lagu soo dhigo kooxihii dilay wasiir Karaani oo xil-kaasi hayey uun hal todobaad, kadibna la toogtay isaga oo ka soo baxay masjid ku soo tukaday cishaha.