R/W Abiy Ahmed oo eryey wasiirkii difaaca ITOOBIYA ee uu XABSI guriga geliyey

Addis Ababa (Caasimada Online) – Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ku dhowaaqay inuu xilka ka qaaday wasiirkii difaaca dalkaas, oo si la mid ah Abiy kasoo jeeda qowmiyadda Oromada, islamarkaana mar ay xulfo ahaayeen, maalmo un kadib markii uu xabsi guri geliyey.

Xil ka qaadista Lemma Megersa oo lagu shaaciyey barta twitter-ka ayada oo qeyb ka ah isku shaandheyn lagu sameeyey golaha wasiirada ayaa muujineysa heerka ay gaartay xiisadda Itoobiya ee u dhaxeysa Abiy iyo siyaasiyiinta Oromada, ee ku saleysan habka looga gudbayo marxaladda kala-guurka Itoobiya.

Abiy ayaa sanadii 2018 noqday ra’iisul wasaarihii ugu horreeyey ee Oromo ah oo Itoobiya ay yeelato kadib dibad-baxyo xooggan oo horseeday inay is-casisho xukuumaddii ka horreysay. Hase yeeshee Oromo badan ayaa sheegaya in Abiy uusan waxba kama qabin dareenkooda muddada jiray ee ah in siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba la liiday.

Wareysi uu siiyey VOA Amharic ayuu Lemma bishii November ku cambaareeyey qorshihii uu Abiy isbaheysigii xisbiyada kala qowmiyadaha ahaa isugu geeyey hal xisbi oo loogu magac daray Xisbiga Barwaaqada ama PP.

Lemma oo horey madax ugu ahaa Abiy intii uu ahaa madaxweynaha gobolka Oromada ayaa sidoo kale diiday wax uu ugu yeeray siyaasadda Abiy ee “Medemer” oo ah erey Amaxaari ah oo macno ahaan noqonaya “isku dar”.

Lemma ayaa dhowrkii bil ee tegay gees looga riixay siyaasadda Itoobiya, ayada oo kadibna shaqadiisa la hakiyey, lana geliyey xabsi guri.

Lemma ayaa waxaa lagu beddelay Kenea Yadeta, oo ah sarkaal horey amniga ugu qaabilsanaa gobolka Oromada.

Xiisadda Abiy iyo Lemma ayaa kasii dartay kadib markii la dilay heesaagii Oromada ahaa ee Haccaaluu Hundessa, taasi oo hogaamisay in la xiro shaqsiyaad caan ah oo Oromo ah, kuwaas oo loo xiray sababo la xiriira dibad-baxyadii looga soo horjeeday dilka.

Ilo-wareedyo dhowr ah ayaa xaqiijiyey in Abiy Ahmed uu ku eedeeyey Lemma inuu xiriir la leeyahay Jawar Mohammed, oo ka mid ah ragga u ololeeya Oromada, aadna ay isku hayaan Abiy.