Kadib Imaaraadka, labada dal Carbeed ee ku xiga ee ‘xiriirka la yeelanaya’ Israel

Tel Aviv (Caasimada Online) – Bahrain iyo Oman ayey u badan tahay in ay noqdaan wadamada ku xiga Imaaraadka Carabta ee xiriir toos ah la sameysta Israell, waxaa sidaas shaaca ka qaaday wasiirka sirdoonka Israel oo la hadlay wakaaladda wararka Reuters.

“Heshiiska aan la galnay Imaaraadka kadib waxaa imaan doona heshiisyo kale, waxayna ka imaan doonaan doonaan dalal kale oo ku yaalla gacanka carbeed iyo wadamada muslimka ah ee Africa,” ayuu yiri Eli Cohen.

“Waxaan u malaynayaa in Bahrain iyo Oman ay ajandaha ku jiraan. Waxaa jira fursad sanadka soo socda aan heshiis kula saxiixan doonno wadamo ku yaalla Africa, oo ay ugu horeyso Sudan,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Bahrain iyo Oman ayaa ammaanay heshiiska ay gaareen Imaaraadka iyo Israel, inkastoo uusan labadoona midna ka hadlin in ay dib usoo celin doonaan xiriirkoodii Israel.

Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa la kulmay hogaamiyeyasha Sudan iyo Oman labadii sano ee lasoo dhaafay.

Sarkaal sare oo Maraykan ah ayaa Jimcihii sheeegay in Aqalka Cad uu xiriir la sameeyay dalal badan oo gobolka ku yaala si uu u eego haddii xiriirro badan ay la abuuri karaan Israel.

Sarkaalka oo diiday in uu magacaabo wadamadda ayaa tilmaamay in ay yihiin dalal carbeed iyo kuwo muslim ah oo ku yaala Bariga Dhexe iyo Africa.

Israel iyo Imaaraadka Carabta ayaa ku dhawaaqay Khamiistii lasoo dhafay in ay dib u soo celinayaan xiriirkoodii. Heshiiskaan oo Maraykanku gacan ka geystay, waxaa uu sii xoojinayaa cadaawadda ka dhanka ah Iran. Falastiiniyiinta ayaa heshiiskaas ka horyimid waxayna ku tilmameen khaa’innimo.

Israel ayaa heshiis la gaartay Masar sanadkii 1979-kii iyo Jordan 1994-ki, laakiin Imaaraadka iyo dalal kale oo carbeed xiriir lama lahayn Israel.

Bahrain ayaa oo xulifo dhow la ah Sacuudiga ayaa sarkaal sare oo Israel u dhashay ku casuuntay shir amni oo la qabtay 2019-kii iyo sidoo kale shir uu Maraykanku hormuud ka ahaa oo ku saabnaa kordhinta dhaqaalaha Falastiin.

Ilo-wareedyo ka tirsan Dowladda Kuwait ayaa sheegay in halka ay dowladoodu ka taagantahay Israel aysan isbedelin, islamarkana ay noqon doonto wadanka ugu dambeeya ee xiriir la yeesha Israel.