Diblomaasiyiintii safaaradda Somalia ee Kenya oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa saaka dib ugu soo laabtay dhammaan diblomaasiyiintii Soomaaliya u joogay gudaha dalka Kenya.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa lagu soo dhoweeyey xubnahan oo isugu jiro  diblomaasiyiin, u qeybsanayaal iyo shaqaalaha hay’adda Socdaalka Soomaaliya.

Xubnahan ayaa fadhigooda waxa uu ahaa magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, balse waxaa dib loogu soo celiyey dalka, iyada o la fulinayo  amarkii dhowaan ka soo baxay dowladda Soomaaliya ee ahaa in muddo 7 cisho gudahood ay dalka kusoo galaan.

Sidoo kale waxaa gabi ahaan albaabada la’isugu soo laabay dhisamaha safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya, sababo ku aadan xiriirkii go’ay ee labada dal.

Soomaaliya ayaa 15 kii bishan December xiriirkii diblomaasiyadeed u jirtay dhiggeeda Kenya oo ay ku eedeysay inay faro-gelin qaawan ku heyso arrimaheeda gudaha.

Si kastaba arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyada labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya ay kulan ku yeesheen dalka Jabuuti oo ay uga qeyb-galeen shirweynaha IGAD.