Digniin cusub oo ku socota Somalia oo lasoo saaray ayadoo laga cabsanayo…

Nairobi (Caasimada Online) – Warbixin cusub oo ay soo saartay Jimcaha maanta waaxda falaanqeynta sugnaanta cuntada iyo nafaqada u qaabilsan hay’adda FAO ee magaceeda loo soo gaabiyo FSNAU ayaa lagu sheegay in ay jirto khatar weyn oo ku soo fooleh Soomaaliya.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in dib u dhaca ku yimid roobka xilliga gu’ga ee Soomaaliya iyo qiimaha kordhaya ee cuntada oo ay wehliso amni-darrada Soomaaliya ay xumeyn karto xaaladda cunto ee dalka, bilaha soo socda.

Hey’adda FSNAU waxaa kaloo warbixinta ay ku sheegtay in cunto xumida ka jirta Soomaaliya ay suuragal tahay inay saameyso gobollada Shabeelaha dhexe iyo Shabeelaha Hoose oo wax soo-saarka ugu badan ee masagada uu ka soo go’o.

Warbixintu waxay sheegtay in qiimeyn ay bishii January natiijadeeda soo saareen FSNAU iyo Isku-xirka ka diga abaarta ee FEWS NET ay 857,000 ku qiimeeysay dadka ku nool gobollada Soomaaliya ee wali ku jira xaalad bini’aadannimo oo u baahan caawimaad deg-deg ah.

Beerashada xilliga Gu’ga ayaa meelo badan oo koonfurta Soomaaliya ah ka billaabatay bishii March, in kastoo dhaqdhaqaaqa beerashada uu aad u hooseeyay goobaha ay colaadda ka jirto ee Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan, sida ay sheegtay FSNAU.

Warbixintu waxay saadaalisay in roob-yarida meelaha qaar ee bishii April ay qasbi karto inay dib u beertaan dalagyada.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com