Muxuu salka ku hayaa socdaalka uu Xasan Sheekh ku tagay Addis Ababa?

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u dhoofay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia, halkasoo la sheegay in uu kulamo kula qaadan doono madaxda dalkaas.

Madaxweynaha ayaa muddo labo cisho ku sugnaan doono Addis Ababa, kaddibna wuxuu u safri doonaa dalka isku taga imaaraadka carabta, isagoona casuumad ka helay boqorka dalkaas, Sheekh Khalifa Bin Zayed Al Nahyan.

Madaxweynaha inta uu joogo Ethiopia wuxuu kulamo la qaadan doona madaxda dalkaas sidda madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha siddaas waxaa laga soo xigtay xafiiska madaxweynaha.

Madaxweynha dadka ku sii sagootiyay garoonka diyaaradaha Muqdisho waxaa ka mid ah ra’iisal wasaarihii horre ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi.

Sidda qorshaha uu ahaa madaxweynaha waxaa la rabay in uu la kulmo xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka John kerry oo tagay Addis Ababa, balse sakaay ayuu ka soo ambabaxay isagoona hadda ku sugan magaalada Jubba ee xarunta koonfurta Sudan.

Ma cadda in madaxweynaha uu kula kulmi doono Addis Ababa saraakiil ka tirsan dowladda Maraykanka, ama in John Kerry kusoo laaban doono Addis-Ababa, hase yeeshee qorshuhu wuxuu ahaa in labada mas’uul ay kulmaan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com