Maxay ka hadli doonaan Madaxweyne Xasan Sh & John Karry

Addis Ababa (Caasimada Online)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Sabti ah lagu wadaa in uu la kulmo xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka, John Karri, siddaas waxaa baahisay Idaacadda dowladda ee Radio Muqdisho.

Madaxweynaha iyo wafdi la socda ayaa hadda ku sugan Addis Ababa oo Jimcihii shaley ay gaareyn.

Madaxweynaha iyo Kerry ayaa ka hadli doono arrimaha ammaanka iyo xiriirka ka dhexeeya Maraykanka iyo dowladda Soomaaliya.

John Karry hadda wuxuu ku sugan yahay Jubba oo ah koonfurta Sudan, ma cadda sidda uu ku soo laaban karo maadama safarkiisa uu kooban yahay isla markaana ay labo waddan u harsan yihiin ilaa berri.

Sidda qorshaha uu ahaa Kerry iyo Xasan Sheekh Maxamuud waxaa lagu waday in ay kulmaan maalintii Khamiista ee la soo dhaafay.

Si kastaba, magaaalada Addis Ababa ku sugan wafdi kale oo ka socda wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka, waxaana ka mid ah Linda Tomas Greenfield iyo saraakiil kale.

Madaxweynaha iyo wafdiga la socda marka ay u dhammaato booqashada ay ku joogaan Addis Ababa waxa ay u sii baqooli doonaan dalka iskutaga imaaraadka carabta.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Addis Ababa

Caasimada@live.com