Digniin deg deg ah oo loo diray Soomaalida ku nool dalka Suudaan

Khartoum (Caasimadda Online) – Safaarada Soomaaliya ee Khartoum ayaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Sudan ugu baaqday iney taxadar dheeraad ah muujiyan kana fogaadaan goobaha ay ka socdaan mudaaharaadyada maadaama dalka Sudan uu saakay galay xaalad cusub.

War kasoo baxay Safaaradda Soomaaliya ee Suudaan ayaa lagu sheegay in xaaladda ka taagan Suudaan ay u baahan tahay in laga digtoonaado,islamarkaana Safaaradda ay lasoo xariiraan.

Magaalada Khartuum ayaa maanta waxaa talada dalkaas lagu wareejiyay Gole kumeel gaar ah waxaana magaalada ka dhacay mudaaharaadyo lagu dalbanayay in uu iscasilo madaxweynha dalka Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir.

Militariga Suudaan ayaa hadda shaaca ka qaaday in xukunka laga tuuray madaxweynihii dalkaasi ka talinayay muddo 30 sanno ah, Cumar Xasan Al Bashiir.

General Ahmen Awad Ibn Auf oo ah Wasiirka Gaashaandhigga dalka Suudaan ayaa ku dhawaaqay in la xiray Madaxweynihii dalka Suudaan Cumar Al-Bashiir.

Wasaaradda gaashaandhigga Suudaan ayaa shaaca ka qaaday in dalka ay ka jiri doonto dowlad kumeel gaar ah oo muddo labo sanno ah dalka sii xukumi doonto.

Halkaan hoose ka akhriso warqadda kasoo baxday Safaaradda

Caasimada Online
Xafiiska Khartoum
caasimada@live.com