Digniinno adag oo maanta kasoo baxay guddiga xuduudaha Somalia iyo Kenya oo fariin loo diray

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudiga xuduudaha iyo federaalka dowlada Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaasi oo ay kaga hadlayeen xad gudubka dowlada Kenya ay ka waddo dhulka Soomaaliya.

Kulanka kadib ayaa waxay gudiga soo saareen war saxaafadeed ka koobnaa dhowr qodob, kaasi oo lagu cadeeyay mowqifka gudiga ay ka qabaan xad gudubka dowlada Kenya ay waddo, iyadoo digniin loogu jeediyay dowlada Kenya.

C/qaalid Cabdulaahi Xamsa, ookamid ah gudiga xuduudaha iyo Federaalka dowlada Soomaaliya oo saxaafada u aqriyay war saxaafadeedka ay soo saareen gudigooda ayaa sheegay iney soo saareen qodobo ay kamid yihiin inaan lagu xad gudbi karin biyaha, bariga iyo hawada Soomaaliya.

“War saxafadeed ku saabsan xad gudubka dowlada Kenya, waxaan soo saarnay qodobo ay kamid yihiin in dadka Soomaaliya aan la qeybin karin, Kenya waxaan leenahay ha ixtiraamto xiriirka ka dhaxeeya labada dowladood, waxaan cambaareyneynaa oo aan kasoo hor jeedtaa dhismaha darbiga”ayuu yiri Xamza.

Sidoo kale wuxuu sheegay gudiga xuduudaha ay si cad u taageereen go’aankii shalay ay soo saareen xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo dhowr qodob ka koobnaa.

“Gudiga wuxuu cadeynayaa inuu ku mowqif yahay go’aanka ay baarlamaanka iyo xukuumada ka qaateen xad gudubka dowlada Kenya ay ka waddo dhulka Soomaaliya”ayuu hadalkiisa raaciyay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com