“Ma filayo in qodobo la xariiqay ay xilligani wax ka beddeli karaan go’aanka Kenya” Waxa yiri…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan C/laahi Goodax Barre oo ka mid ah Xildhibaanada BFS, ayaa si adag uga hadlay xadgudubyada Kenya ay kawado xadka Somalia iyo go’aanka maalinimadii shalay kasoo baxay BFS.

Xildhibaan Goodax ayaa sheegay in xili hore ay ka digeen dhibaatada ka imaan doonta dhismaha Kenya ay kawado xadka Somalia, balse ay Xukuumadu yareysatay, taasina ay dhalisay dhibka hadda taagan.

Goodax waxa uu tilmaamay in qodobo ay soo xariiqeen guddiyada arrimaha dibadda iyo gudaha ee BFS uusan xiligaani wax ka bedeli karin go’aanka ay gaartay Dowlada Kenya.

‘’BFS horay ayuu go’aano kala duwan uga soo saaray darbiga ay Kenya dhiseyso danta aan ka laheynay waxa ay aheyd in xukuumadda aan u iftiimino tallaabooyinka haboon ee darbiga la dhisayo aan ka qaadan laheynay ma dhicin oo xukuumada ayaa ka caga jiiday’’

‘’Dadaal dheer kadib waxaa noo soo baxday in xukuumadda ay waqti u weysay ama aysan daneynin in qaraarkaasi tixgeliso, marka qaraarku sidiisaba xukuumadda amar kuma ahan, fulin qasab ah kuma ahan, laakiin waa in baarlamaanku qaraarkiisa la tixgeliyaa oo xukuumaddii iyo baarlamaankii ay wada shaqeyn fiican leeyihiin, taasi ma dhicin, marka in sharci loo bedalo xukuumadda xakameynayo inay ku dhaqmaan tahay waajib ku noqoneyso, marka taas ayaa keentay in qaraarkii lasoo jeediyay loo bedalo sharci”

Goodax waxa uu farta ku goday in difaaca dalka iyo xuduudihiisa ay mas’uuliyad ka saran tahay labada Gole ee DFS, waxa uuna cadeeyay in Dowladu aysan ku waajibin inay isha ka daawato waxyaabaha ay ku kaceyso Kenya.

‘’Aniga ma qabo in Kenya lagu xushmeeyo ficilada ay ku dhaqaaqeyso, waayo warba ma yaallo hadii marba lagu soo duulay dalka’’

Haddalka Xildhibaan Goodax ayaa imaanaya xili madaxtooyada Somalia aysan ahmiyad gaar ah siineynin xadgudubyada ay ku kaceyso Dowlada Kenya waxa ayna tani cadeyn u noqoneysaa in Kenya raali looga yahay xatooyada ay ku heyso dhulka Soomaalida.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com