Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay ka bilaabato Diiwaangalinta musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.
Diiwaangalinta Musharaxiinta ayaa ka bilaabaneysa xarunta Villa Hargeysa sida ay sheegeen gudiga qabanqaabada doorashada, iyadoo mudada loo qabtay Musharaxiinta inay isku diiwaangaliyaan ay aad u gaaban tahay.
Diiwaangalinta ayaa lagu wadaa inay socto mudo Saddex cisho ah, waxaana ay ku egtahay maalinta Axada ah oo ku beegan todobaadka danbe oo la soo afjarayo is diiwaanglinta musharixiinta xilka madaxweynaha.
C/raxmaan Ducaale Beylle oo ah Guddoomiyaha gudiga doorashada madaxweynaha oo magaalada Muqdisho kula hadlay Saxaafada ayaa sheegay inaan wakhti lagu dari doonin mudada loo qabtay Musharaxiinta inay isku diiwaan galiyaan.
C/raxmaan Ducaale Beylle ayaa sheegay in jadwalka Doorashada uu ku dhaqangali doono sida loo dajiyay, waxa uuna meesha ka saaray in wax laga bedeli doono Jadwalka.
C/raxmaan Ducaale Beylle, waxa uu meesha ka saaray dib u dhac kale oo ku iman kara doorashada Madaxweynaha.
Doorashada xilka Madaxweyninimo ee dalka ayaa waxaa u taagan inkabadan 25 Musharax, kuwaa oo la filaayo in maalinta Axad ah la shaacin doono liiska musharixiinta is diiwaangalisay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]