Diiwaangelinta musharaxiinta madaxweyne oo lasoo gaba-gabeeyay iyo tirada guud

Muqdisho (Caasimada Online) – Diiwaan-gelinta musharaxiinta ayaa maanta lasoo gaba-gabeeyay, kadib saddex maalin oo xiriir ah oo ay socotay, waxaana shahaadada musharaxnimada qaatay 39 musharax.

Xubnaha maanta shahaadada qaatay waxaa ka mid ah madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Maxamed (Deni), musharrax Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi, musharrax Maxamed Amiin Faarax iyo musharixiin kale.

Diiwaangelinta musharaxiinta oo 8-dii bishaan ka billaabatay magaalada Muqdisho, waxaana musharaxii ugu horreeyey ee is-diiwaan-geliyey uu noqday madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Guddiga qaban qaabada doorashada ayaa sidoo kale maanta musharaxiinta ka dalbaday inay u soo gudbiyaan illaa 400 oo nuqul oo daabacan oo ka mid ah barnaamijkooda doorashada iyo weliba nuqul Electronic ah.

Sidoo kale waxaa maalinta berri ah lagu wadaa inay si rasmi ah u billaabato hadal jeedinta musharrixiinta, waxaana ugu dambayn 15-ka May la qaban doonaa doorashada, sida uu qorshuhu yahay haddii uusan ku imaan isbedel lama filaan ah.

Guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kormeer deg-deg ah oo indha-indheyn ah ku tagay teendhada Afisyoone.

Teendhada Afisyoone ayaa waxa ka socota qaban-qaabada doorashada madaxweynaha, taasi oo qorshuhu yahay inay ka dhacdo halkaas 15-ka bishaan May.

Sidoo kale waxaa halkaas ka bilaaban doonta maalinta berri ah hadal jeedinta musharaxiinta madaxweyne, kuwaasi oo kor u dhaafaya soddomeeyo.

Guddoomiyaha ayaa gudaha teendhada Afisyoone kulan kula qaatay saraakiisha ciidanka nabad ilaalinta ATMIS iyo kuwa amniga ee Soomaaliya.

Waxa uu faray Saraakiisha in ay muujiyaan feejignaan dheeri ah si ay u qabsoonto doorashada madaxweynaha, oo ay ugu dhacdo si nabdoon.