Diiwaanka Musharraxiinta Puntland 2019: Cali Xaaji + Xiriirkii hore ee Al-Itixaad

Diiwaanka Musharixiinta doorashada Puntland 2019 waxaan horey ugu soo qaadaney Musharixiinta kala ah, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Siciid Cabdulaahi Dani, Faarax Cali Shire, Cabdi Faarax Siciid Juxaa, Maxamed Siciid Xirsi (Moorgan), todobaadkan waxaan ku soo qaadaneynaa siyaasi Cali Xaaji Warsame

Waa kuma Cali X. Warsame?

Cali Xaaji Warsame waxa uu ku dhashey deegaanka Seemade ee gobolka Mudug qiyaastii 1961 (57 jir). Waxbarashadiisa asaasiga ah waxa u ku kala qaatey magaalooyinka Hargeysa iyo Muqdisho. Sanadkii 1990 waxa uu ka qalin jebiyey SIDAM (Somali Institute of Development Administration and Management) oo uu ka qaatey shahaadada kowaad ee B.Sc, waxaana uu bartey Maareynta Xisaabaadka.

Kadib burburkii Dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Maxamed Siyaad Barre 1991, waxa Cali Xaaji Warsame Axmed kamid noqdey dadkii u soo qaxay goboladii Waqooyi bari ee haatan la isku yiraahdo Puntland.

Siyaasi Cali Xaaji Warsame waxa uu kamid ahaa dhalinyaradii ururkii islaamiga ahaa ee al-Itaxaad al-Islaami, kaas oo burburay sanadkii 2002. Odoyaashii gobolka Bari iyo siyaasiyiintii jamhaddii SSDF ayaa isla gartey sanadkii 1991 in wadaadadu ay maamulaan Dekadda Boosaaso, dadka deegaanku waxay u yaqaaneen wadaadadaas IKHWAANKA, wax aqoon ah looma lahayn jiritaanka ururka al-Itixaad al-Islaami, oo soo baxay markii ay saldhigyo ciidan samaysteen.

Cali Xaaji Warsame waxa u mar noqdey maamulaha Dekadda Boosaaso sanadkii 1991, waxaana xusid mudan in dhaqaalaha canshuurta ee dekadda ka soo xeroon jirey intiisa badan lagu difaaci jirey goboladii Waqooyi Bari ayna geli jirtey ciidamada difaaca uga jirey gobolka Mudug ee jamhadii SSDF.

Sida ay sheegayso  xogta aan helnay, wadaadadii Itaxaadku waa isku khilaafsanaayeen in canshuurta ay qaadaan badankeed la geeyo difaaca, Cali Xaaji oo ka soo jeeda gobolka Mudug ayaa kamid ahaa kuwa ku adkaa in dhaqaalaha sida odoyaashu ugu talagaleen loo maamulo, oo an waxba laga beddelin dhaqaalaha lagu bixiyo difaaca, taas oo sababtey in markii danbe laga beddelo maamulka dekadda, waxaana arrimahaasi wax iska bedeleen markii ururkii Itaxaadku isu rogeen garab hubeysan oo doonaya in ay si rasmi ah ulla waregaan talada gobolada Waqooyi Bari, taas oo fashil & dhiig daata ku dhamaatey sanadkii 1992.

Kadib dagaaladii dhex-marey ururkii al-Itaxaad al-Islaami iyo jamhaddii SSDF Cali Xaaji Warsame waxa uu kamid noqdey dadkii isaga baxay dalka, waxaana uu u wareegay Jabuuti iyo dalalka Carabaha, waxaana uu muddo kadib kamid noqdey jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Ingiriiska.

Waxbarashadiisa sare Cali Xaaji Warsame waxa uu ku qaatey dalka Britian, waxaana shahaadada Master-ka ka qaatey American University, London, UK.

Bilowgii Siyaasadiisa

Cali Xaaji Warsame waxa uu dalka dib ugu soo laabtey si rasmi ah sanadkii 2012, kadib markii shirkadda ugu weyn Puntland ee Golis Telecom ay u dooratey in uu noqdo Maareeyaha guud ee shirkadda, shaqadaas oo isaga tegey 16 bilood kadib sababo aanu shegin darteed, laakiin loo badinayo in ay ahayd damiciisa siyaasadeed, waxaa arintaas si weyn uga xumaadey golaha sare ee shirkadda Golis, waxaa la is weydiinayaa in sababta Cali Xaaji u qaatey shaqada Golis ay ahayd meel dadka reer Puntland ka bartaan shakhsiyadiisa, isla markaana uga tallaabi karo damiciisa siyaasadeed.

Dhamaadkii sanadkii 2013 ayuu isu sharaxay xilka Madaxweynaha Puntland, siyaasi Cali Warsame Axmed waxaa uu si weyn ugu soo baxay markii Musharixiinti doorashadi 2014 ay ka dhigteen afhayeen.

Doorashadii 2014 ee Madaxweyne loo doortey Cabdiweli Cali Gaas ayuu galay kaalinta saddexaad waxaana uu sheegtaa in uu lahaa guusha Cabdiweli Cali Gaas kadib markii xildhibaanadii u codeeyey isaga oo gaarayey 16 Xildhibaan 15 kamid ah ay wareegii saddexaad codkooda siiyeen Cabdiweli Cali Gaas.

Wasiirkii Waxbarashada iyo Tacliinta Sare

Kadib guushii Madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas waxa uu Cali Xaaji Warsame u magacaabey Wasiirka Waxbarashada taariikhdu markey ahayd 28 janaayo 2014, waxaana uu kamid noqdey kooxdii u horeysey ee Xukuumadda Dr Cabdiweli Cali Gaas. Waxay ahayd maalintii ay u bilaamatey shaqadii u horeysey ee arrimaha siyaasadda Puntland. Cali Xaaji Warsame waxa uu xilka kala wareegay Cabdi Faarax Siciid Juxaa oo xilkaas hayey 2009-2013.

Siyaasi kasta waxa uu ku doodaa in uu wax weyn ka qabtey wasaaraddii loo magacaabey xiligiisi, laakiin waxaa la dhihi karaa ma jirin isbeddel weyn oo muuqdey sida, wax ka beddelka Waxbarashada asaasiga ah ee Xukuumadda hadda jirtaa ballan qaadey in ay lacag la’aan ka dhigeyso, kor u qaadida deeqaha waxbarasho, mideynta manaahijta kala duwan iyo arrimo kale.

Siyaasi Cali Xaaji Warsame xilka wasiirnimo kuma daahin waxaana uu hayey muddo 17 bilood ah oo keliya, markii xilka laga qaadayey waxa uu ku maqnaa dalka dibadiisa, sababta looga qaadey xilka ayuu isagu ku sheegay in uu “Kacaanii ka dheereeyey”, laakiin sida ay sheegayaan warar madax-banaan Cali Xaaji waxa uu ahaa qof si furan uga hadla shirarka xukuumadda, soo jeediya dhaliilaha jira ed isla xukuumadda, bishii feberaayo 2015 waxaa jirey shir la doonaayey in lagu qabto tuulada Godad ee koonfurta Gaalkacyo, taas oo Cali Xaaji saameyn weyn ku lahaa, loona arkaayey in uu dhisanayo awood uu ku difaacan karo doorkiisa siyaasadeed, sidoo kale Cabdiweli Cali Gaas iyo Cali Xaaji waxaa u dhexeeyey tartan hoose oo salka ku hayey awooda beeshooda dhexdeeda, taas oo Cali Xaaji doonaayey in aan Cabdiweli Cali Gaas uga awood roonaan, arrimahaas oo soo jiitamaayey tan iyo bilowgii 2015 ayaa sababey in Cali Xaaji xilkiisa waayo.

Cali Xaaji Warsame waxa uu mar kale isu sharaxay xilka Madaxweynaha Soomaaliya doorashadii 2016-2017, tartankaas Cali Xaaji guul weyn kama keenin waxaana uu helay codad aad uga yar kuwii uu helay doorashadii Puntland 2014.

Dhaliilaha loo jeediyo Cali Xaaji

Si lamid ah Musharixiintii hore aan uga hadlalney Cali Warsame Axmed waxaa loo jeediyaa dhaliilo iyo amaanba. Waxyaabaha ugu waaweyn ee dadka ka soo horjeeda siyaasadiisa ay ku dhaliilaan ayaa ah in uu yahay wadaad ka tirsanaan jirey ururo Islaami ah, Cali Xaaji oo doonaya in uu eedahaas iska fogeeyo ayaa ku jawaabey “AA LA TAHAY”, eedahaas ayaa ah kuwo aad u yar marka la eego xaaladda siyaasadeed ee dalka Soomaaliya maanta marayo, ururadii Islaamiga ahaa qaarkood oo burburay iyo in uu u tartamey xafiiska u sareeya Soomaaliya.

Dhaliilaha loo jeediyey Cali Xaaji Warsame ayaa sababey bilowgii sooyaalkiisa siyaasadeed in uu iska fogeeyo gondaha iyo xididka uu ku lahaa dacwada iyo wadaadnimadiisa, taas oo uu sanadkan mar kale wax ka bedalay isla markaana u ololeeyey si ka duwan mararkii hore.

Shakhsiyadda Cali Xaaji Warsame

Cali Xaaji Warsame waa shakhsi aqoon fiican u leh diinta islaamka, waa shakhsi miisaan leh, ixtiraam badan, afmaal ah oo aan hadalka wanaagiisa iyo dhihidiisa loo tilmaamin.

Doorashada Puntland 2019

Cali Xaaji Warsame Axmed waxa uu kamid yahay musharixiin ku dhaw 20 Musharax oo u tartamaya xilka Madaxweynaha Puntland, ma ahan markii u horeysey ee Cali Xaaji isu soo sharaxo Puntland, marka la eego ololihiisi doorashada Puntland ee 2013-2014 waxaa la dhihi karaa aad ayuu uga duwan yahay kan sanadkan, marka hore waxa uu kamid ahaa siyaasiyiinta mucaaradka ugu cod dheer ee ka soo horjeeda siyaasadda Dr Cabdiweli Cali Gaas, kadib muddo ayey ku qaadatey in uu si bareer ah u sheego damaciisa doorashada 2019, laakiin xawaaraha todobaadyadii u danbeysey uu jarey ayaa muujinaya awooda ololihiisa doorashada, inkasta oo dad badan aaminsan yihiin fursadaha uu lee yahay in ay ka yar yihiin kuwii uu lahaa sanadkii 2014.

Qaar kamid ah dadka falanqeeya siyaasadda Puntland ayaa sheegaya in Cali Xaaji Warsame ay ka go’an tahay in siyaasadda Cabdiweli Cali Gaas ay meesha ka baxdo oo aan dib loo dooran, tan labaadna ay tahay in uu qayb ka noqdo haddii aanu ku guuleysan doorashada,  isbeddelka soo socda si mar kale siyaasadda dib ugu soo noqdo.

HORSEED MEDIA TEAM