Juxa: Puntland dallaaliin siyaasadeed uma baahna

Garoowe (Caasimada Online) – Doorashada Puntland waxaa ka harsan maalmo qura, waxaana socda gunaanadka isi soo bandhigida musharaxiinta, iyadoo ay jiraan dhowr musharax oo si gaar ah farta loogu fiiqaayo iney doorashada kusoo bixi karaan.

Juxa oo ka mid ah musharaxiinta sida gaarka ah loo hadal hayo ayaa ka digay nooca madaxweynaha ay reer Puntland dooran doonaan 8da bisha Janaayo.

Isagoo kumanaan shacab ah la hadlaayay ayuu wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya wuxuu kaga digay reer Puntland in ay doortaan hogaamiye aan raad raac laheyn.

“Waa inuu yahay hogaamiye raad la raaco leh, waa inuu yahay hogaamiye aan la idinku soo xawilin, hogaamiye aan meel kale ka socon, oo aan boorso madoow wadan ayuu yiri Juxa.

Wuxuu Juxa si gaar ah farta ugu fiiqay siyaasiyiinta qandaraaslayaasha ah ee siyaasada ka ganacsada ,tiiyoo ay jirto in musharaxiinta doorashada Puntland ay ku jiraan rag badan oo ay fartu ku godan tahay.

“Waa inuusan ku xirneyn koox daneed, koox dulaaleed ,qandaraas wadayaal, faqwadaag iyo dhabar socod ayuu yiri musharax Juxa.

Hadalkaan ayaa toosh ku ifinaya qaar ka mid ah musharaxiinta u taagan doorashada madaxtinimada Puntland oo loo arko iney dano kale iyo fikrado kale xambaarsan yihiin.

Hoos ka daawo muuqaalka Juxa

Caasimada Online
Xafiiska-Garoowe
Caasimada@live.com