Xiisad ka taagan Hiiraan iyo maleeshiyaad farumaha dagaalka isku horfadhiya

Beledweyne (Caasimada Online) – Waxaa wali xiisad dagaal ay ka taagan tahay gobolka Hiiraan, taasi oo u dhaxeyso maleeshiyaad ku dagaalamay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Dagaalka maleeshiyaadka oo salka ku haya aargoosi qabiil ayaa labadii maalin ee lasoo dhaafay wuxuu ka dhacayay deegaanada Hoostaga degmada Maxaas, waxaana maanta la sheegayaa inay xaalad cabsi ka taagan tahay goobihii lagu dagaalamay.

Maleeshiyaadka dagaalamay oo deegaanka wada daga, ayaa iska dilay dad dhalinyaro ah oo dagaalka aanan ku jirin, sida wararka aan ku heleyno, waxaana wali jirin cid kala dhex gashay maleeshiyaadka dagaalamaya.

Maamulka Hirshabeelle ayaa kaliga ku baaqay dagaalka in la joojiyo, kadib qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle Sheikh Cusmaan Barre Maxamed.

Warar kale ayaa sheegaya in xiisadda dagaal ee ka taagan degmada Maxaas ay gaartay deegaano kale oo ka tirsan gobolka Galgaduud, gaar ahaan degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

La soco waxii kasoo kordhaa xiisadaasi ka taagan Maxaas.

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
Caasimada@live.com