“MURSAL ayaa nagu ballan furay” Sidee xildhibaanadii mooshinka u tanaasuleen?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya sidii xildhibaanada mooshinka ka keenay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay u go’aansadeen inay ka laabtaan mooshinka.

Inkasta oo la sheegay sababo badan, oo ay ugu weyneyd inay u tanaasuleen danta qaranka, haddana xog ay heshay Caasimada Online ayaa muujineysa, in heshiis shaqsiyan ah oo uu galay Mursal ay ku qasabtay xildhibaanada inay ka tanaasulaan mooshinka.

Xildhibaan codsaday in magaciisa la shaaciyo oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in Mursal la aamusiyey oo uu ku ballan furay.

“Waxaa jira tuhunno badan, balse Mursal wuu ka dhaartay inuu lacag qaatay, wax ay ahaataba, waa nagu ballan-furay dhabarka ayuuna naga toogay” ayuu yiri xildhibaanka la hadlay Caasimada Online.

Xildhibaan kale ayaa isna Caasimada Online u sheegay in marnaba aysan tanaasulin, balse haddii Mursal diiday in mooshinka horey loo sii dhaqaajiyo ay danta qasabtay inay ayagana ka haraan.

“Markii horeba ma jirin tiro nagu filan oo aan ku ridi karnay madaxweynaha, balse haddii Mursal la heshiiyey dowladda, oo labadiisa ku xigeenna ay markii horeba la safnaayeen dowladda, wax aan sameyn karno ayaan jirin” ayuu yiri.

Xildhibaanada mooshinka keenay ayaa la rumeysan yahay inay ku dhow yihiin 90, hase yeeshee in la rido madaxweynaha waxay u baahan laba meelood saddex mele xubnaha laba aqal.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com