Dalku waa lagu soo duulay, khatar xoogan buu ku jiraa

“Soomaaliya Mar Kale DHiig Baa loogu Wan Qali!!”
Farmaajo waa Faraskii Trojan!
KHATAR! Yaad isku haleynaysaan?!!…
KHatarta  Albaabkay taaganatahay! 

Wallee caqliga ay isku raaceen nimanka talada dalka hoggaankeeda haaya waa talo sheeko reebaysa! Waxaase intaas ka daran nimankii aan dooarnay ee golaha shacabka iyo aqalka sare ahaa waxa afka qabsaday! Arrimaha muuqda oo dad-weynuhu dareemayo, iyo cabsida mustaqbalka dalka soo wajahday maxaa loo aamausay?! Max’ed Cabdullaahi Farmaajo, wuxuu dalkii ku gatay inuu madax-weyne noqdo oo ahaado! Waxaana jirta in shacabka Soomaaliyeed been badan loo sheego, beentaas oo la xiriirta heshiisyada Farmaajo iyo madaxda Itoobiya, Isaias Afwerki iyo Abiy Axmed (Awalba hal dal bay isku ahaayeen). Waxaan arrin qarsoon ahayn in dalakii wax guumeysan jiray iyo kuwii dulaalka u ahaa oo muslimiin ay ku jiraan labadaba aad isugu taxluujiyeen in Soomaaliya khariidaddda aduunka laga tirtiro, waxaana laynagu burburiyay magacyo laynagu kala qaybiyay oo laynoo bixiyay; kuwo fiican (kuwo aan gumeysiga diidayn oo ay u horeeyaan Farmaajo iyo KHeyre) iyo kuwo xun-xun (kuwo gumeysi diidka ah).

SHacabka Soomaaliyeed, ma garan waayin xilka ka saran dalkiisa, laakiin sida muuqata waxaa khayaanay madaxdii ay hoggaaminta dalka ku aamineen, madaxdii ay ahayd inay shacabka ay hoggaamiyaan u sheegaan hadba arrimaha hor yaala, madax-weynihii haddii uu galay heshiisyo qarsoon golaha shacabka inuu dad-weynaha la hadlo oo u sheego ayeey ahayd inay diginin ka siiyaan khatarta ayeey ahayd, hadii golihii la qabsaday, ama la handdaday ma la waayay shakhsiyaad karti u yeesha inay xogaha khatarta ah dad-weynaha la wadaagaan?! Oo waliba intay deegaannadooda tagaan dadweynaha ku baraarujiyaan shirqoollada qaranka loo mareegayo! Itoobiya mar kasta waa quwad guumeystayaashu u haystaan inuu dadka Soomaaliyeed u adeegsadaan mar kasta oo ay Soomaaliya dano ka yeeshaan, dadka Soomaaliyeedna taas waa ka dheregsanyihiin mana ah mid cabsi ku haysa oo waa colaad joogta ah oo ka mid ah nolosha ay barteen ama ku soo noolaayeen dadka Soomaaliyeed waligood.

Itoobiya, wali cadaawadda iyo xummaanta ay dadka Soomaliyeed u qabto ayeey ka door bidaysaa inay Soomaaliya kula noolaato deris wanaag, waxaadna moodaa inay la tahay taariikh  kumanaan sano oo ay tirsanayso inay iyadu soo jirtay inaysan Soomaaliya soo jirin sidaas aawgeedna ay run tahay guumeystayaasha warka ay u sheegayaan oo ah inay ka il-baxnimo fogtahay dadka Soomaaliyeed iyo inta badan qaaradda Afrika oo ay xaq u leedahay inay Soomaaliya maamusho! Laakiin waxaa taas diidaya xaqiiqda aqoonta aan isu leennahay iyo raadadka muuqda ee la xiriira wixii ina soo dhex maray innaga iyo iyaga. Dadka Soomaaliyeed way u jeedaan sida xaalku yahay mana garan waayin Farmaajo iyo KHeyre waxa dantoodu tahay, iyo ujeeddooyinka mid kasta leeyahay, hasa yeeshee labada nin waxaysan garan meesha ay ugu badin lahayd ma aha inay dalka u soo horseedaan (waaba horseedeenee) cadow soo jireen ahaa taariikhda aan wadaagnana ay tahay maalin kasta inuu guumeystayaasha inoo soo raaco ama ay inoo soo adeegsadaan. Illaa muddo 600sano oo wax dheer Itoobiya colaaddeeda iyo duulaanka ay Soomaaliya ku hayso mid xiriirsan buu ahaa.

Hehiisyada Itoobiya lala galay
Waxay sharci noqon karaan waagay
Shacabku Soomaaliyeed ay u codeeyaan
oo ay iyagu sidaas doortaan, Soomaaliyana
Ummad baa leh ee madax-weyne ma laha!

Golaha SHacabka ee la handdaday shuruudaha sagaalka ah ee ay soo jeediyeen waxaa ka muhiimsan hal shuruud oo ah in heshiisyada Itoobiya (Awalba laba dal ma jirin ee hal dal bay isku ahaayeen [Eritrea + Itoobiya = Itoobiya]) lala galay ay Mooshin ka keenaan oo laalaan, oo ay marka hore iyaga inoo muujiyaan inay daacad ka yihin dalka inay ugu adeegayaan si waafaqsan dastuurka dalka iyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed. Farmaajo iyo KHeyre, heshiisyada ay huurinayaan, maalin kasta Abiy Axmed, Xil-DHibaanada dalkiisa buu hor geeyaa isagoo ugu faanaya una haysta inuu ka guuleystay ama uu si dhib yar u jabiyay cadowgoodii soo jireenka ahaa ee Itoobiya! Bal is weydii oo iiga jawaabi karaysaa haddaad garanayso sababta Abiy Axmed ugu dhiiranayo maalin kastana talada ula qaybsanayo xil-dhibaannada dalkiisa, Farmaajana uga dhuumanayo xil-dhibaannada Soomaaliyeed haddii aysan KHayaano Qaran ahayn?!…Itoobiya way ogtahay waxa ay samaynayso inaysan sarci ahayn, laakiin waxay soo dhex gashay Trojan Horse (Farmaajo) laakiin way is yeel-yeelaysaa casrigaan Faras Loox laga sameeyay laysuguma soo gabban karo! Waxaa hadda muhiim ah in golaha shacabka uu ku dhawaaqo inuusan aqoonsanayn heshiisyada qarsoodiga ah ee madax-weyne Farmaajo uu la soo galay dowladda Itoobiya isla markaasna aysan sharci ahayn haddii aan la hor keenin Aqalka Sare iyo Golaha SHacabka.

SHiikh Ibraahim Muudeey iyo Mahdi Cabdalla Cawad ama xataa Gudoomiyaha Xil-DHibaannada midna awood gaar oo tiisa ah kuma kala diro mid ka mid ah guuddi hoosaadyada Golaha SHacabka sida u ii xaqiijiyay xubno kala duwan xil-dhibaannada ka mid ah, waxaana lagu kala diri karaa qaabkii ay markii hore ku yimaadeen oo ahaa in kal-fadhiyad hortooda looga doodo, mana u baahnin golayaasha jira inay dhexdooda isku mashquulaan iyadoo dalkii ay go’aano ka gaarayaan dalal shisheeye ah! Maanta uma baahnin waziir lagu mashquulo, waxaan u baahnnahay xil-dhibaannada inay mowqif cad ka istaagaan heshiisyada tuhunka badan iyo walaaca ku haya dadka Soomaaliyeed ee Farmaajo soo galay, waxaan u baahnnahay inay ummadda u sheegaan heshiisyadaan dekedihii iyo xuddudihii dalka shisheeyuhu duulaanka ku yihiin  wixii looga tashan lahaa! Waxaa cajiib ah in Faysal Cali Wraabe, oo ognahay inuusan rabi Soomaaliya ooh al dal ah uu arrintaas dhow jeer ka hadlay, nimankii xilkaas loo doortayna ay waxyaabo kale isku mashquulinayaan!  

Koonfur-Galbeed (KG) Cabdi-Caziiz Lafta-Gareen, baa la keenay, isagoo waziir ah inta xilka laga qaaday baa madax-weyne looga dhigay maamulka KG, dariiqa loo soo maray inuusan sax ahayn muran kuma jiro, waxaase jira warar soo baxaya oo tilmaamaya in Farmaajo iyo Abiy Axmed ay isku ogaayeen in ninkaas gobolkaas loo dhiibo oo isaga markaas loo isticmaal inuu ku dhawaaqo inuu sal-dhig ciidan Itoobiya ka siiyay xeebta Baraawe sida Somaliland iyo Puntland xeebihii gobolladaas, taasina ay yarayn karayso in dad-weynaha ay ku kacaan Farmaajo (The Trojan Horse!) waxaana intaas dheer, sida ay wararka qaar sheegayaan in Lafta-Gareen uu ku faraxsanyahay arrintaas! Xil-DHibaannada, ha ku kalsoonaadaan shacabkooda hana u sheegaan xaqiiqooyinka ay ogyihiin ama ay hayaan ee khatarta ku ah jiritaanka ummadnimo iyo qaranimo, arrimaha waweyn ee dalka soo wajahay, haddii golihii fulinta oo uu u horeeyo ninkii madax-weynaha dalka ay xil-dhibaannada u soo doorteen uu la dhuumanayo heshiisyo uu la soo galay dalka Itoobiya, haddee dalka dadka Soomaaliyeed baa iska leh iyagaana difaacanaya  ee nin madax-weyne ah ma laha!…

Xil-DHIbaannada Cusub ee Puntland
waxay qaranka Soomaaliyeed ugu hiilin
karaan iyagoo doorta ninkii ku malayniyaan,
inuu ka naxayo dadka iyo dalka!

Doorashada Puntland, waa khatar kale oo soo socota, waxaa ahadda la diyaariyay saraakiil ka tirsan dowladda oo lacago u soo wada Puntland, waxaana lacagahaas sida aan wararka ku hayno ay ku socdaan murashax Engineer Max’ud KHaliif Xasan (Jabiye) oo Farmaajo iyo KHeyre ay u diyaarinayaan inuu ku soo baxo doorashada madax-weynaha Puntland iyo Engineer Cabdul-Xakiim Cameey oo ay rabaan inuu ku soo baxo madax-weyne ku-xigeenka Puntland mar kale,  Eng.Cameey, waa siyaasiga keliya ee marka laga reebo dowladda federal-ka ee u hambalyeeyay Lafta-Gareen!…Waa ninkii isagoo inkirayay jiritaanka maamulka uu isaga mada-weyne ku-xigeenka ka ahaa ee Puntland waxaa jirin oo ku magacaabay HARADIGA!! Hadana waa u tartamayaa, umase malayniyo inuu rabo xilkaas ee wuxuu rabaa si uu nimankaas heshiisyada qarsoon soo galay wakil ugu noqodo inuu magaciisa maalmo ka sii dhex muuqda sawirka weyn ee siyaasadda Puntland!… Eng. Jebiye ayaa horay intuusan ka amba bixin dalka Maraykanka rag saaxibadiis ah ayuu si cad ugu sheegay inuu dowladda Federal-ka heshiis la gelayo si ay u maal geliso tartanka u u gelayo doorashada madax-weynenimmada Puntland.

Waxaa jira iyagana qaar ka mid ah oday-dhaqameeddada, niman iyo haween isku sheega inay ka mid yihiin dhaqdhaqaaqyo kala duwan inay ka mid yihiin dadka la rabo in loo soo maro doorashada Puntland. Xil-DHibaannada cusub, waxaa la gudboon inay ka digtoonaadaan oo ka fiirsadaan qofka ay dooranayaan, Codkiinna ama wuxuu noqonayaa mid aad ummadda Soomaaliyeed ugu hiilinaysaan oo aad aayaha ilmihiina iyo mustaqbalka faca dambe adinka dhaxlayo aad ugu danaynaysaan ama wuxuu noqonayaa bar madow oo ka daran shanta sano ee hadda dhamaanaysa! Fekera oo fekera, nimanka lacagta loo so dhiibayo ma aha niman aydaan aqoon… waa niman aad ku taqaanaan inay waligood siyaasadda gurracan u ololeeyaan si ay dulaal uga helaan, waa niman wajiga timo ku leh oo aan ceebtu dareemin! Fekera! Guddoomiyaha Baarlamanka federal-ka ah, Xil-DHibaannada mooshinka keenay ha ogaadaan lagama adkaan! Waxaad ku shaqaynaysaan waa waxaad hubtaan, sidaas daraadeed yeeysan idin niyad jebin dadka aan wax ogeyn, maxaa yeelay adinkaan shacabka la hadlain oo aan waxba u sheegin!! La hala dad-weynaha, khataraha idin muuqda la socodsiiya!…Dad-weynihii Soomaaliyeed waa laga wada aamusay, waana khalad!khalad! yaa wax u sheegaya hadaad ka wada aamusteen?!…Ogaadaana, waxa socdaa qiimo aad qaali u ah bay inooga baahanyihiin inaan ku bixino!…Indhaha Kala Fur!

W/Q: Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid