Dil fool xun oo Muqdisho ka dhacay

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxo hubeysan ayaa habeenkii xaley ku dishay degmada Yaaqshid gaar ahaan xaafadda Coca-Cola nin oday ah.

Sidda ay lee yihiin dadka deeganka, kooxda dilka geestay rabay in dhacaan gurriga uu degganaa odayga la dilay, deetana waxa ay ku dhufteen mindi oo ay waa ay ku dileen.

Kooxda dilka geesatay ayaa goobta isaga baxsaday mana jirto cid soo qabatay

Dhacdadan ayaa noqotay mid aad looga naxo xaafadda Coca-Cola iyo guud ahaan degmada Yaaqshid.

Waxa ay ka dhacday xaafad horrey loogu dilay gabar ardayad ahayd oo kooxo hubeysan ay ku dileen dhawaan magaalada Muqdisho.

Ma jirto cid ka hadashay dhacadada ka dhacday xaley degmada Yaaqshid ee gobalka Banaadir.

Inta badan magaalada Muqdisho waxaa xilligii habeenkii dadka jiiftaan daaradda guryaha maadama lagu jirro xilliga kuleelaha.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com