Video: Cabdi Weli Gaas iyo wasiiro ka tirsan maamulka S/Land oo kulmay

Waxaa shalay dib ugu laabtey magaalada Hargeysa xarunta Somaliland Wasiirada Arrimaha Dibadda iyo Arrimaha Gudaha ee Somailand. Wefdiga Wasiirada ayaa muddo ku sugnaa Itoobiya waxaana ay sheegeen in ay ka qaybgaleen shirkii Tana Forum kaas oo lagu casumey Madaxweynaha Puntland isla markaana uu ka jeediyey khudbad.

Labada Wasiir ayaa mar sii horeysey tegey dalka Itoobiya waxaana safarkoodu daba socdey saraakiil ka tirsan Itoobiya oo si xun la sheegey in loogula dhaqmey gudaha Somaliland, taas oo Itoobiya ka carootey

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo saxaafadda kula hadley Garoonka Diyaaradaha Hargeysa ayaa sheegey in ay shir la qaateen Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Cali Gaas, shirkaas oo ahaa mid wanaagsan sida Wasiirku yiri, waxaan u sheegney (Madaxweynaha Puntland) ayuu yiri halka xuduudayadu dhacdo, Somaliland ay xor tahay inkasta oo aan weli lana aqoonsan, waxaana anaga iyo Puntland naga dhexeeya wax badan sida in aan iska kaashano nabadgelyada ayuu yiri Biixi.

Hadalka ka soo abxay Wasiir Biixi ayaan Puntland weli ka hadlin waxa ay ka wada hadleen iyo sida wada hadalkaasi u dhacay taas oo ah mid faah-faahinteeda laga doonayo Xukuumadda uu hoggaamiyo Gaas

Hoos ka daawo: