Kenyaati raaxo ugu nool SOMALIA iyo rafaadka haysta Somalida Islii (Video)

Marka aad fiiriso nolosha raaxada leh ay tiro Kenyatti ah ku haystaan Soomaaliya iyo xadgudubyada Soomaalida ku nool Kenya kala kulmayaan askarta wadankaasi waa labo kala dheeri ah oo farqi weyn u dhaxeeyo.

Warbixin uu Telefishinka Citizen TV ee dalka Kenya ka diyaariyay muwaadiniinta reer Kenya ee ku sugan magaalooyinka Muqdisho, Garoowe, Boosaaso iyo Hargeysa oo intooda badan howlo shaqo u yimid ayaa muujineyso in ay si nabadgelyo ah oo dhibaato aysan ku jirin ku nool yihiin, halka Soomaalida Kenya ku nool ay rafaad kala kulmaan askarta iyo shacabka.

Kenyattigan ugu badan ee ku nool Hargeysa ayaa ah kuwo isku xeran oo leh Jaaliyad, halka kuwo kale oo ku nool magaalooyinka Muqdisho, Gaalkacyo, Garoowe iyo Boosaaso ay yihiin kuwo howlo shaqo u jooga oo degan hoteelada ugu qaalisan magaalooyinkaasi.