Xog: Cabdi Weli oo wada qorshe xilka looga qaadayo 2 wasiir oo Hawiye ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Somalia Cabdi Weli Sheekh Axmed, ayaa gadaal ka riixaya olole xubno ka mid ah baarlamanka Somalia ay doonayaan in shaqada ay uga ceyriyaan saddex ka mid ah Wasiirada ku dhaw Madaxweyne Xasan Sheekh.

Cabdi Weli wuxuu kulama hoose la leeyahay Xildhibaanada u dhashay Daarood iyo Dir, isagoo weydiistay inay diyaariyaan mooshin ay kaga taqalusayaan Wasiirka Arrimaha gudaha Cabdullahi Goodax iyo Wasiirka Amniga Abdikarim Guled.

Labadii wasiir oo shalay iyo dorraad hortagay baarlamanka, ayaa lagu eedeeyey wax qabad la’aan looguna baaqay is-casilaad.

Inkasta oo Cabdi Weli uu awood u lee yahay inuu xilka ka qaado wasiiradan, ayaa haddana warbixinada waxa ay sheegayaan inuusan dooneyn inuu muujiyo khilaafka isaga iyo madaxweynaha, sidaa darteedna uu u marayo baarlamanka, si aan isaga loogu eedeyn khilaaf.

Dadka siyaasadda Gorfeeyo waxay markii hore aaminsanaayeen dagaalka inuu ku wajahan yahay xulufada Damujadiid hasse yeeshee markii liiska lagu deray Wasiir Cabdullahi Goodax ayaa loo fasiray in ololaha Ra’iisul wasaaraha yahay mid ku qotomo siyaasad qabiil.

Wasiiro kasoo Jubbooyinka iyo Puntland, ayaa horey u dalbaday is-casilaadda labada wasiir, ayaga oo ku eedeeyey inay carqalad ku yihiin maamulka Axmed Madoobe iyo xaaladda Jubbooyinka

Guuleed iyo Goodax waxay qabiil ahaan ka dhasheen Hawiye, waxayna Xeeldheerayaasha tilmaameen in ololaha xilka qaadistooda ay daaha gadaashiisa ka abaabulayaan Cabdiwali Gaas iyo Axmed Madoobe, oo dhowaan xulufo la sameystay ra’iisul wasaaraha.

Dhammaan xubnaha baarlamanka ee shalay Guuleed weydiistay is-casiladda waxa ay kasoo jeedaan Jubbooyinka iyo Puntland, waxaana ka mid ahaa Cabdirashiid Xiddig.

“Wasiirka Arrimaha gudaha Somalia Abdullahi Barre Goodax kuma lug laha Damujadiid, mana khuseeyaan ammaanka laakiin waxaa dagaal xoogan kula jira Puntland iyo kooxda Axmed Madoobe oo ku doodaya inaysan Hawiye qaadan karin Wasaaradda Arrimaha gudaha” ayey yiraahdeen Xildhibaano u dhashay beesha Hawiye oo la hadlay Caasimada Online.

Wasaaraddan ayaa loo arkaa mid muhiim ah sababo la xiriira nidaamka federaalka iyo dhismaha maamul goboleedyada.

Caasimada Online, ayaa horey u werisay in intii uu socdaalka ku joogay Kismaayo, Cabdil Weli ay maamulka Jubba ka codsadeen inuu meesha ka saaro Goodax iyo Guuleed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com