Xasan Sheekh: Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ma xuma (Xittaa wixii dhacay?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah uga hadlay dhibaatada dawlada Kenya ku heyso dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi, wuxuuna madaxweynuhu difaacay xiriirka dawladiisa la leedahay dawlada Kenya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo saxaafada la hadlay waxyar kadib markii uu shalay galab kasoo laabtay booqasho hal maalin qaadatay oo uu ku tagay dalka Jabuuti ayuu sheegay in dawlada ay wado wada hadal ay kula jirto dawlada Kenya si Kenya ay u joojiso xadgudubka ay ku heyso dadka Soomaaliyeed.

“Xiriirka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya ma ahan mid xun, waa uu wanaagsan yahay. Waa jirtaa in dadka Soomaaliyeed ee halkaasi ku nool ay dhibaato la kulmaan, safiirkeena Kenya anagaa u yeernay si aan wadatashi ula yeelano.” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dad badan ayaa filayey in ficillada Kenya ee ka dhanka ah shacabka iyo diblomaasiyiinta Soomaalida ee Nairobi ay ka carreysiiyeen madaxweynaha Somalia, mugdina ay taasi gelisay xiriirka labada dhinac, hase yeeshee taasi iminka ma muuqato.

Dawlada Soomaaliya ayaa weli jawaab ka sugeysa Kenya inay ka bixiso xariga diblomaasiga Safaarada Soomaaliya ee Kenya oo toddobaadkii hore dhamaadkiisa lagu xiray magaalada Nairobi.

Magaalada Muqdisho waxaa hadda ku sugan danjiraha Soomaaluya ee dalka Kenya Maxamed Cali Ameeriko oo dawladu dib ugu yeertay maalinimadii Sabtidii.