BF Somalia oo ku dhegan Muungaab iyo magacaabistiisa guddomiyeyaal

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalintii labad xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, ayaa su’aallo culus weydiinayee wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre.

Wasiirka uu u la socdo wasiirka ammaanka qaranka ayaa maalintii seddaxaad hor-tagay baarlamaanka, iyadoona la weydiinaayo howsha wasaaradahooda ka qabatay.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa la weydiiyay bal wuxuu kala socdo magacaabista guddoomiyaasha degmooyinka gobalka Banaadir ee uu magacaabay guddoomiyaha gobalka Gen Xasan Xuseen Muungaab.

Wasiir Goodax ayaa baarlamaanka u sheegay in Muungaab uusan isaga magacaabin guddoomiyaha degmooyinka balse uu ka qaybgalo uun xafladaha lagu caleemo saaro guddoomiyaasha.

Wuxuu sheegay oo kale in magacaabista guddoomiyaha degmooyinka ay gaartay wasaaradda arrimaha gudaha.

Mar uu ka hadlaayay sababta loo badalay guddoomiyaashii horre, wuxuu xusay in loo baahan yahay is badal si nabad buuxda ay u dhacdo gobalka Banaadir.

Wasiirka waxaa kaloo la weydiiya wax yaabaha uu kala socdo qandaraasyada la siiyo shirkadaha Turkiga ee la wareegay goobaha ku yaalla xeebaha, wuxuu sheegay in heshiiska lala galay shirkadaas ay ka horreeyeen wasaarradiisa.

Waa maalintii labaad oo wasiirka arrimaha gudaha Cabdullaahi Goodax Barre uu hortago baarlamaanka Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com