Baabuur ay miino ku qaraxday oo lagu baaba’ay & xog sheegaysa in miinada..

Dhuusamarreb (Caasimada Online) – Inta la ogyahay afar qof ay ku dhimmmatay, seddax kalena waa ay ku dhaawacantay kaddib markii maanta miino ay la qaraxday gaari ay saarnaayeen oo marayay tuulada Dhabeyla-weyn oo 6 km dhanka waqooyi ka jirta deegaanka Dhabbad ee gobolka Galgaduud.

Guddoomiyaha deegaanka Dhabbad ee maamulka dowladda Soomaaliya Aadan Cabdulle Galaal (Aadan Gebi) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dadka dhaawacmay la geeyay  xarun caafimaad oo ku taalla deegaanka guddoomiyaha ka yahay ee Dhabbad.

Dadka dhintay oo la socday gaari Hoomeey ah ayaa ku howlanaa biyo dhaamin ay u wadeen dad biyo la’aan ku heesata gobalka Galgaduud.

 Wuxuu sheegay in miinadu ay ahayd mid lagaliyay dagaalladii dhexmartay Ethiopia iyo Soomaaliya sannadkii 1977-dii, isaga oo xusay in waxyaabaha qarxa ay dhibaato ku hayaan dadka deegaanka.

Guddoomiyaha waxaa kaloo uu sheegay in muddooyinkan dambe aanay jirin wax hay’ad ah oo miino baaris ka samaysay deegaanka.

Ugu dambeyn , wuxuu dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha miino baarka ka codsaday in ay si deg deg ah u gaaraan deegaanka oo ay wax ka qabtaan dhibaatooyinka ay miinada iyo wax yaabaha qarxa ku hayaan bulshadaas.

Markii ugu dambeesay oo deegankan ay ka qarxdo miino waxay ahayd sannadkii 2002, iyada oo markaas ay ku dhinteen toddobo qof oo ka soo wada jeeday hal qoys.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com