Video: Somalida iyo Kenyanka Islii oo ku dhaqaaqay qorsho cusub oo amni

Nairobi (Caasimada Online) – Soomaalida ku nool Xaafada Islii ee Magaalada Nairobi ayaa la yimid qorsho cusub oo ay uga badbaadayaan Raafka socda iyo dhibaatada xoogan ee loo geysanaya muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool Wadanka Kenya.

Qorshahani cusub, ayaa ah mid Soomaalida reer Islii oo u badan dhallinyarada oo ay wehliyaan kuwa Kenyan ah ay kaga qeyb qaadanayaan sugida amaanka iyo in wax laga qabto amaan xumida ka jirta Xaafadaasi.

Dhallinyarada Soomaalida iyo Kenyaatiga, ayaa tallaabadan u arka inay caawimaad ka geysan karto sugidda amniga, taasina ay yareyn karto howl-gallada ciidamada.

HALKAAN  KA DAAWO VIDEO-GA: