DHAGEYSO: Qorshe Somaliland looga saarayo Laascaanood oo ay wadaan…

Laascaanood (Caasimada Online) – Isimadda gobolka Sool ayaa xilligaan dadaal ugu jira qorshayaal lugu doonayo in magaalada xarunta u ah gobolkaas ee Laascaanood looga saaro Somaliland oo siyaasad ahaan u haysata,waxaana sida xaqiijiyey Ugaas Cabdullaahi Ciise oo ka mid ah Isimada gobolka Sool.

Ugaaska oo hadal siinayey warbaahinta gudaha ayaa si cad u sheegay inay dhinacyo badan iskaashi la sameyn doonan si ay Somaliland uga saaran magaalada Laascaanood oo ay muddo dheer ka talinayeen.

Waxuu sheegay Ugaas Cabdullaahi Ciise in beelaha gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn ay haatan qorshaynayaan in ay dib u qabsadaan magaalada Laascaanood oo siyaasad ahaan ay haysato Soomaaliland.

“Waxaan idin sheegaya qabashada Laascaanood waa muqadas haddii aan shir la qaban iyo haddii kaleba, waxaan ugu baaqa dadka Sool inay u midooban sidii ay n cadowga ugasaari lahaayeen Laascaanood” ayuu yiri Ugaas Cabdullaahi Ciise oo ka mid ah Ismimadda gobollada.

Halkan hoose ka dhageyso Ugaaska

Hadalka Ugaaska,waxaa uu ku soo aadaya xilli maamulka Somaliland uu dhaqdhaaq ka bilowday deegaanada gobolka Sool.