Baarlamanka Soomaaliya oo xog aan la ogeyn ka bixiyay shirkadda Favori

Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaca ah loo qaybiyay nuqulo ka mid ah warbixin ay soo diyaariyen guddiga gaadidka iyo tamarta, taasoo laga soo diyaariyay shirkadda Favori ee maamusha garoonka diyaaradaha Muqdisho.

In kastoo si dhab ah loo ogeyn wax yaabaha ku qoran qoraalka loo qaybiyay xildhibaannada baarlamaanka, haddana warar la isku haleen karo ayaa muujinaya in baarlamaanka uu saluugsan yahay howsha shirkaddan ay ka haqeyso garoonka  diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Muqdisho.

Cusmaan Dhuubow oo madax u ah guddiga baarlamaanka u qaabilsan gaadidka waddooyinka iyo garoomada ayaa ka hor sheegay baarlamaanka in heshiiska lala galay shirkadda Favori ay ahayd mid aan waafaqsanayn sharciga.

Wuxuu sheegay baaritaan ay sameeyeen in ay ogaadayn in shirkadaas ay qaab sharci darro dalka uga howgasho sidda uu yiri.

Sidoo kale, xildhibaanka ayaa sheegay in dowladda looga baahan yahay inay ka baaraan-dagto dib u dhiska garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Ma ahan markii ugu horreysay oo dood laga keeno shirkadan oo dowladda ay qandaraas la gashay kaasoo ah in garoonka diyaaradaha ay ku dhigto mid caalami ah.

Waxa ay lee yihiin baarlamaanka shirkaddana wax yaabo ku cusub dalka ayey la timid oo waxaaba dhaantay shirkadii horre ee SKY ee laga lee yahay dalka South Afrika.

t2

Waxaa kaloo lagu dhaliilay shirkadda in garoonka shaqaale ajaaniib ah keentay kuwaasoo shaqo la’aan ku riday shaqaalaha Soomaalida ee ka howgalka garoonka iyo dekedda weyn ee Muqdisho.

Baarlamaanka waa loo qaybiyay qoraallada markale ayaa la rabaa in laga dooddo sidda uu sheegay wariyaha Caasimada Online ee Muqdisho.

Dhinaca kale, waxaa maalintii seddaxaad baarlamaanka hortagay wasiirka arrimaha gudaha iyo arrimaha fedaraalka dowladda Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre.

Wasiirka ayaa la weydiiyay su’aallo dhowr ah oo la xiriirta arrimaha fedaraalka iyo maamul u samaynta gobalada dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com