Maleeshiyo lagu laayay KISMAAYO iyo Axmed Madoobe oo u yeeray….

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose, ayaa sheegaya in halkaas lagu dilay seddax ka tirsanaa maleeshiyada maamulka KMG ah ee Jubba.

Rag hubeysan oo aan la heybgaraneynin ayaa dadkan ku dishau xaafadda Via Afmadow, siddaas waxaa sheegay goobjoogayaal didday in magacooda la soo xigto sababo ammaan.

Kooxda dilka geestay ayaa la sheegay in ay durba baxsadeen.

Maleeshiyo ka tirsan maamulka Axmed Madoobe oo tagay goobta dilka ka dhacay ayaa baaritaano sameeyay balse lama sheegin cid loo soo qabtay falkaas.

Si dhab ah looga ogo sababta iyo cidda ka dambaysay dilka saddexda maleeshiyo.

Dhinaca kale,hoggaamiyaha magaalada KMG ah ee Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan degdeg ah la qaatay laamaha ammaanka iyo wasiirka arrimaha gudaha maamulkiisa Gen Darwiish, wuxuuna wax ka weydiiyay sababta loo dilay maleeshiyada xaley.

Sidda uu sheegay wariyaha Caasimada Online ee Kismaayo, kulanka ayaa looga hadlayaa wax ka qabashada falal amni-darro oo maalmihii u dambeeyay ku soo badanayay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

Si kastaba, magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose oo xarun u ah maamulka KMG ah ee Jubba ayaa maalmahan waxaa ku soo kordhaya dilal qorshaysan oo inta badan loo geysto maleeshiyada maamulka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com