Maleeshiyada Axmed Madoobe oo ka aargutay dad diiday amarka Madoobe

Kismaayo (Caasimada Online) – Maleeshiyaadka Axmed Madoobe ayaa afar qof ku dhaawacay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose, kaddib howgallo maanta ka dhacay magaaladaas.

Dadka dhaawacmay ayaa ka mid ahaa qoysas barakacayaal ah oo ku noolaa agagaarka garoonka diyaaradaha Kismaayo kuwaasoo lagu amray in ay halkaas ka guuraan.

Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa howllo barakicin ah ka wada magaalada Kisamayo gaar ahaan goobaha ka agdhow garoonka diyaaradaha Kismaayo.

Dadka dhaawacmay ayaa si bareer ah rasaas loogu furay, waxaana ay ka mid ahaayeen dad ka soo horjeeday go’aanka maamulka KMG ah ee Jubba.

Maalmahan magaalada Kismaayo waxaa ka socday howgallo lagu barakicinaayo dad bartilmaameed ah.

Ma jirto cid ka hadashay dhacadada maanta ka dhacay Kismaayo ee dadka shacabka rasaasta loogu furay dad rayid ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com