Xog: Ka qeybgalkii CW Gaas ee shirkii Addis-Ababa iyo qaabkii loo weriyey oo muran ka dhex abuuray DF Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin lagu daabacay shabakadda ku hadashay afka dowladda Soomaaliya ee (Radiomuqdisho.so ama radiomuqdisho.net) ayaa waxaa la soo sheegayaa in dood adag ay ka dhex dhalisay masúuliyiinta wasaaradda & suxufiyiinta qaabilsan maamulka shabakadaasi.

Suxufi ka howlgala Idaacadda oo ka gaabsaday in magaciisa la xuso, ayaa sheegay in shalay ay kulan ku yeesheen xarunta Wasaaradda Warfaafinta shaqsiyaad ka tirsan maamulka Wasaaradda & suxufiyiintii shabakadda soo geliyey warbixin ay soo direen xubno ka mid ah wefdigii C/weli Gaas ee shirka kaga qeybgalay Itoobiya.

Suxufigan wuxuu xusay in la isku qabtay sida loo qoray warbixinta shirka Bahardaar Itoobiya, shirkaasoo ahaa shir loo soo agaasimay qaab aqoon-is-weydaarsi ah, laguna casuumay shaqsiyaad dalalkooda xilal ka soo qabtay, waxaana mowduuca shirkaasi u qornaa siddatan:- THE IMPACTS OF ILLICIT FINANCIAL FLOWS, ON PEACE AND SECURITY IN AFRICA.

Maamulka Idaacadda ayaa ku dooday in warbixinta laga dhadhansan karay in loo qoray Puntland in ay tahay dowladda Soomaaliya, halkii ay aheyd in warbixinta lagu muujiyo in Puntland oo ka tirsan dowladda dhexe ee Soomaaliya in shirkaasi ay ka qeybgashay, wuxuna maamulku ku dhaliilay suxufiyiinta qaabilsan shabakadda dowladda in iyadoo aan wax tifaftirid lagu sameyn warkaasi sidiisii lagu soo geliyey.

Maamulka Idaacadda wuxuu u soo jeediyey howl-wadeenada Warbaahinta dowladda (Idaacad, Wargeys & Shabakad) in wararka ay baahinayaan ay noqdeen kuwa si hufan loo turxaan bixiyo, ayna jiraan shaqsiyaad shaqadaasi aqoon u leh oo wixii media- dowladda ka baxa ay jirto cid loo raacan karo.

Suxufigan warka na soo gaarsiiyey wuxuu sheegay in maamulka uu weydiiyey weriyeyaasha su’aalo ay ka mid ahaayeen;

“Siddee ayey ku dhici kartaa in war quraafaad ah lagu soo qoro hayád warbaahineed ee dowladda hoos tagta.? Siddee ayey ku dhici kartaa in shabakadda dowladda la soo geliyo war been ah oo lagu xayeysiinaayo Cabiweli Gaas.? Idaacadda ma Puntland ayaa maamusha.? Shabakadda dowladdu ma waxey u shaqeyneysaa qaabka shabakadaha kale ee ay beeluhu iska leeyihiin.?

Maamulka waxaa kale oo hadaladiisa ka mid ahaa sida uu soo sheegay suxufiga goob jooga ah;

“Waa run inuu tegay Cabdiweli Gaas Addisababa, wuxuu ka qeybgalay shir loo qabtay shaqsiyaad dalalkooda horay xilal uga soo qabtay, weliba khudbad kuma laheyn shirka wuxuu ka mid ahaa 4 qofood oo loo xilsaaray in ay yeeshaan (Table debate), in website kii Qaranka uu yiraa shir madaxda Afrika ayuu ka qeybgalay isaga oo metelaya dowladda Soomaaliya runtii ma aheyn wax jira. Idaacad, Wargeys & Website-yada ku hadla afka dowladda waxaa looga baahan yahay in ay noqdaan maskaxdii warbaahinta Soomaalida, ma ahan in war kasta oo ay soo qortaan maamulada Soomaalida sidiisa loogu soo daabaco, waa inuu jiraa nidaam dowladeed oo kala hagaya maamulada, qolo kasta haddii ay sheegato wixii ay doonto waxaa halkaas ka dhalanaya isbarbar yaac dhanka maamulka ah”

Suxufiyiinta ayaa qaatay in qaladka uu dhinacooda ka dhacay, waxeyna balanqaadeen in wixii hadda ka dambeeya in ay ku dedaali doonaan in ay turxan bixin ku sameeyaan wararka ay hawada gelinayaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com