Baarlamanka oo ugu dheggan Ra’iisul Wasaare C/Weli socdaalkii Kismaayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaca u yeeray ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya si uu uga warbixiyo wax yaabaha ay qababtay xukuumadiisa muddada ay jirtay.

Ra’iisal wasare Cabdiweli Sheekh Axmed iyo gollaha wasiirradiisa ayaa lagu wadaa in maalinta Sabtida ay hortagaan baarlamaanka.

Ra’iisal wasaaraha ayaa la sheegay in su’aallo dhowr ah ay weydiin doonaan xildhibaannada baarlamaanka, waxaaba la lee yahay waxaa ka mid ah wax yaabaha la weydiin doono booqashada uu dhawaan  ku tagay Kismaayo.

Warar ay heshay Caasimada Online, ayaa muujinaya in ra’iisal wasaaraha lagu dheggan yahay, oo waxaaba laga gudbin doonaa mooshin ka dhan ah.

Ra’iisal wasaaraha ayaa la sheegay in uu khilaaf kala dhexeeyo qaar ka mid ah wasiiradiisa gaar ahaan wasiiro ku dhow madaxweynaha, kuwaasoo kala ah arrimaha gudaha iyo ammaanka.

Xildhibaannada baarlamaanka ayaa maalmahan su’aallo weydiinaayay wasiiradda arrimaha gudaha iyo ammaanka qaranka.

Labada wasiir ayaa muddo seddax cisho mid kasta la weydiiyay su’aallo badan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com