Ogaysiis ku socda Soomalida Holland: Shiikh Kenyawi muxaadaro qabanaya

Soomaalida deggan wadanka Holland  waxaa lagu wargelinayaa in maalinta sabtida ah oo ay taariikhdu tahay 03-05-2014 lagu qaban doono magaalada Delft muxaarado diini ah oo uu jeedin doono Shiikh Maxamed Ibrahim Kenyawi oo  si weyn loogu yaqaan wacyigelinta shacabka Soomaaliyeed.

Shiikh Maxamed Ibrahim Kenyawi waxaa uu baryahan ku jiray socdaal diimeed uu ku kala bixinayey dalalka Yurub, isagoona xooga saarayey meelaha ugu muhiimsan ee shacabkeena u baahan in wacyigelin diini ah ka helaan.

Si gaar ah waxaa uu muxaadarada uu Shiikh Kenyawi jeedin doono taabaneysaa Tarbiyadda carurta, Salaada, Casi-waalideynka iyo qodobo kale oo xirir la leh nolosha qurbaha diinta islaamka.

Dhinaca kale waxaa isagana muxaadarada ku wehlin doona  Dr, Cumar Weheliye oo ka mid ah culumada sida weyn looga qadariyo ee ku nool dalka Holland, gaar ahaan wax ka dhiga Jaamacadda Europa Islamic Universaty ee ku taal magaalada Rotterdam.

Dalalka uu socodka kusoo maray Shiikh Kenyawi waxaa ka mid ah Norway, Swedan iyo Denmark waxaana qorshihiisu yahay inuu socdaalka Holland uu iminka ku yimid uu yahay midka uu kusoo afmeerayo.

Haddaba waxaa idin ku baaqeynaa inaad ka faa’ideysataan kulankan muhiimka ah iyo muxaarada Shiikh Maxamed Ibrahim Kenyawi.

Adres

Aart van der Leeuwlaan 4
2624 LD  Delft

Tel: 0684056055

Telfoon  0684020868