“Wax la aqbali karo maaha in Kenya ay qunsul geysato Kismaayo, ayadoo Islii ku xasuuqeysa Somali” Waxaa yiri..

Korneyl C/laahi Cabdi Isaaq, ayaa si kulul kaga hadlay damaca Kenya ee xilligaan ku aadan Gobolada Jubbooyinka ee Koonfurta Soomaaliya, xilli ay qayb ka tahay Hawlgalka Midowga Afrika ee Amisom.

Korneyl C/laahi Cabdi Isaaq oo ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Xooga Dalka, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay Kenya in ay Qunsul u soo magacawdo Gobolada Jubbooyinka, xilli ay Soomaalida ku dhibaateeneyso Magaalada Nairobi.

“Wax la aqbali karo maaha in Kenya Safiir u soo magacawdo Jubbooyinka, iyadoo dadkeena ku xasuuqeysa Nairobi, hablaheenii ku umulayaan xabsiyada, loona diido raashiinkii iyo biyihii.” ayuu yiri Korneyl C/laahi Cabdi Isaaq.

Sarkaalkaan ayaa yiri “2010-kii bisha afaraad, ayaan ogaanay in Kenya ay dooneyso gumeysi inay geliso Gobolada Jubbooyinka, Gedo iyo qayb yar oo ka mid ah Gobolka Shabeellaha Hoose. Waxa uuna intaa ku daray “Dhulka NFD waxaa bixiyay Sharmaarke, wiilkiisiina badda ayuu bixiyay. Dhulka NFD anagoo uga aamusnay, ayay Kenya hadda rabtaa inay nagu qabsato Gobolada Jubbooyinka.

Sarkaalkaan, ayaa si adag u sheegay in Soomaaliya ay lee dahay Soomaali oo qura, balse Kenya aynaan lahayn dalka Soomaaliya. Hase ahaatee ay dooneyso in kala qub qubnaanta Soomaalida ka faa’iideysato.

“Soomaaliya, Soomaali baa iska leh, Kenya malaha Soomaaliya, waxay dooneysaa inay ka faa’iideysato kala daadsanaanta dadka Soomaaliyeed, oo qabiil ku mashquulay.” ayuu yiri Korneyl C/laahi. “Waxaan maaha wax khuseeya qabiil ama dad gaar ah waa wax khuseeya Soomaali oo dhan, meel kastaba ha jooggaanee, waa inay ogsoonaadaan in Kenya inagu heysato dhulkeenii.” ayuu markale yiri.

Korneylka waxa uu ugu baaqay Siyaasiyiinta in arrintaan ka dhiidhiyaan oo si adag kaga munaaqashoodaan, sababo ku aadan Kenya oo dooneysa gumeysi cusub inay geliso Soomaaliya.

“Siyaasiyiinta waxaan ugu baaqayaa in arrintaan ka dhiidhiyaan oo meel kasta ka fariistaan, Kenya waxay dooneysaa in waqtigaan oo la jooggo 2014-ka gumeysi ku qabsato dal madax banaan.” ayuu yiri Sarkaalkaan oo ku sugan Gobolada Jubbooyinka.

Wuxuu sidoo kale baaq u diray Culimada Soomaaliyeed iyo dhammaanba qaybaha kala duwan ee shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna kula dardaarmay in ay dareen u lahaadaan damaca Kenya.

“Culimo iyo caamo waxaan rabaa inaan u sheego in arrintaan si dhow u fiiriyaan, waa in Kenya lala dagaalamaa oo ku celinaa Xuduuda, Kenya yaan laga yeelin in maanta na gumeysato.” ayuu yiri Korneylka. “Waa nasiib daro in Jubbooyinka nalagu qabsado, wax la dhaho Maamulka Jubba kama jiro Magaalada Kismaayo, Kismaayo waxaa heysta cadow, waana in lala dagaalamaa.” ayuu sii raaciyay.

Ugu dambeen Korneyl C/laahi Cabdi Isaaq, ayaa ugu baaqay Qaramada Midoobe, Ururka Midowga Afrika iyo Jaamacada Carabta, in laga dhiidhiyo damaca guracan ee Dowladda Uhuru Kenyatta.