28 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Xog: Haween lagu toogtay Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxo Bastoolado ku hubeysnaa ayaa waxa ay goordhow Magaalada Muqdisho ku toogteen Haweeney la sheegay inay kamid aheyd haweenka Nadaafada Degmada Dharkiinley ee Gobolka Banaadir.

Dilka Haweeneydaani ayaa waxaa fuliyay Laba ruux oo ku hubeysnaa Bastoolad waxa ayna rasaasta kaga hubsadeen qeybta kore ee jirkeeda.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in Haweeneyda la dilay ay ka qeyb qaadan jirta talaalka caruurta, iyadoo dilka ka dib goobta ay gaareen ciidanka dowladda Soomaaliya oo howlgal halkaasi ka sameeyay.

Dilka Haweeneydaasi ayaa waxaa loo xirxiray ilaa 13-ruux kuwaasi oo xiliga dilka uu dhacaayay ku sugnaa goobta uu dilka ka dhacay.

Dilkaani ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo Seddexdii asbuuc ee lasoo dhaafay uu soo hagaagaayay Amaanka Degmada Dharkeenley Ee Magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News